|

Cali Daacuun“Shalay Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa tagey maanta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa Hargeysa ka degay, barinna mid kale ayaa tagaya saa-dambe anigaa tagaya, saakuunna mid kale ayaa tagaya.”

Muqdisho April 24,2014(SDN/QJ)-Mid ka mida xildhibaanada dawlada Federaalka Soomaaliya kana soo jeeda Jamhuuriyada Somaliland Md Cali Maxamed Cali oo Cali Daacuun lagu naaneyso ayaa sheegay in uu ku hungoobay riyadii Somaliweyn ee Muqdisho geysay.

Xildhibaanka oo u waramay jariirada afka dawlada Somaliland ku hadasha ee Dawan ayaa hadaladiisii waxa ka mid ahaamarkaasaad doonaysaan inaad hadashaan.

Anigu garan maayo cidda ay biil siiyaan, farriimaha telefoonka iigu soo dhacay ee la ii leeyahay maxaad Wasiirkayga iyo xildhibaankayaga u carqaladaynaysaa iyo madaxwaynahayaga ayaa la nagu daaliyay, intaa meesha aanu ka maqanahay nooshahay maba garanayaan inaanu u nimi midnimo Soomaaliyeed, inaanu iyagoo is-cunaaya u nimi oo u hiilinay maba garanayaan.

Shalay Prof Axmed Ismaaciil Samatar ayaa tagey maanta Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa Hargeysa ka degay, barinna mid kale ayaa tagaya saa-dambe anigaa tagaya, saakuunna mid kale ayaa tagaya.

Waa la Iskaga tagayaa reer Muqdisho, maxay cuni ayay ugu hanjabayaan dadka Muqdisho jooga, lacag ayay dhamaantood yaqaanaan, qandaraasna aan cid kale lama siiyo oo sharci-darro ayaa lagula dhaqmaa ummaddii Soomaliyeed ee u soo gurmatay midnimada oo aan waxba laga waydiinayn. Cid dambe oo u joogaysaa ma jirto, oo ay korkiisa dhaqaale ku urursanaysaa, cid aan waddan iyo dhul lahayna ma jirto.”ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku soo gunaanaday.

SDN/QJ-Muqdisho

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed