Maxkamadda Hargeysa Oo Soo Gebogebaysay Dhegaysiga Kiiskii Marxuumad Ruqiya iyo Natiijada Oo Soo Dhawaatay
Nairobi:24-April-2014(SDN/QJ)-Ciidamada Dembi-baadhista iyo Maxkamadaha ayaa Gebi ahaanba Maalintii shalay soo Gebogebeeyey Kiiskii haweenaydii Dhawaan Maydkeeda laga dhex helay Guriga ku dhex yaalla Hargeysa.
Maalintii shalay ayey Maxkamaddu soo Gunnaanadday kiiskan iyo dhegaysigiisaba, iyadoo Haweenayda iyo carruurta ay dhashay ee arrintan ku eedaysan la keenay Maxkamadda Hargeysa, waxana si weyn loo adkeeyey Gebi ahaanba Ammaanka Maxkamadda Gobolka iyo Hareeraheedaba.
Ilo-wareedyada aanu hayno ayaa sheegaya in Kiiska dhegaysigiisa la Gunaanaday kadib iyadoo haatan la Gudo galay Go’aankii la qaadan lahaa ee la xidhiidha Dhacdadan murugada leh eek a dhacday Hargeysa.
Inkastoo aan Saxaafadda Loo ogolayn inay arrintan wax ka ogaato ama ay kiiskan dhegaysato, haddana waxa ay xogaha aanu Haynaa sheegayaan in Todddobaadka soo socda lagu dhawaaqi doono Natiijada Kiiskan oo si weyn loo sugayo, isla-markaana ay ehelka Haweenaydii la Xabaalay si dhaw ula socdaan.
Dhamaadkii bishii March ee sanadkan ayey ahayd markii ay ciidanka Ammaanka Somaliland Guri ku yaalla Hargeysa ay god ku yaalla ka heleen Marxuumad Ruqiya Siciid ayaanle oo muddo la la’aa, waxana Gurigaas Degenaa Muna Maxamed Cabdilaahi oo iyada iyo tiro ka mid ah carruurta ay dhashay Haatan ku jiraan Saldhiyada Hargeysa.
SDN/QJ-Hargeysa.