Warbixin la Xidhiidha 15-jir Somaliyeed Oo Taayir Diyaaradeed Saarnaa 5-Saacadood iyo Halkii ay ku Dambeeyeen Dadkii Hawshan ugu Horreeyey
California:24-April-2014(SDN/QJ)-Waxa Warbaahinta Caalamku ayaamahan si weyn u hadal haysaa Wiil 15-jir ah oo lagu sheegay inuu Soomaali yahay, kaas oo muddo shan saac ah ku jirey Taayirka Diyaarad Hawada ku jirtey.
Diyaaradda ayaa la sheegay inay Hawada u gashay 12000mitir, iyadoo waliba ay Hawadu aad u qaboobayd oo neefsashadu ay yarayd.
Wiilkani ayaa doonayay in uu usoo safro Soomaaliya si u soo arko hooyadiis sidaasi waxa laga soo xigtay ilo wareed dhanka nabad galyada qaabilsan oo maraykanka ah.
Wiilka oo ay da’diisu tahay 15 sano jir ma uu ogayn halka ay diyaaradu u socotay kaliya waxaa ka go’neyd in uu soo aado wadanka soomaaliya, waxaana uu isku qanciyay inuu raaco diyaradda ugu dhow ee tiillay gudaha garoonka diyaaradaha ee sanjose gobolka xeebta galbeed ee kalifoorniya, dalka mareykanka .
Sida ku cad baadhitaanka, wiilka ayaa galay mid kamid ah taayarada wareegsan ee diyaaradda saqdii dhexe ee habeenkii axadda ahayd ee la soo dhaafay .
Diyaaradani ayaa nuuceedu ahaa Boen 767 waxaana ay u diiwaan gashaneyd in ay ka duusho kalifoorniya oo ay ku dagto madaarka Hawaii ee isla dalka mareykanka .
Afhayeen u hadlay sharikadda laga leeyahay diyaaradani ayaa tilmamaay in shaqaalaha diyaaraddu ay indhaha ku dhufteen willkani yar kadib markii ay diyaaradu soo cago dhigatay garoonka Hawaii .
Durbadiiba waxaa su’aalo weydiin wiilka ku bilaabay laanta danbi baaraista dalka mareykanka oo markii dambe wiilka u gudbiyay kooxaha bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka oo sheegay qudhoodu in wiilku uusan waxba qabin caafimaad ahaanna aad u wanaagsanyahay .
Waxu uu sheegay wiilku in uu gurigooda ka soo dhuuntay islamarkaana uu ka soo booday darbiga garoonka diyaaradaha san jose .
Ninka afhayeenka u ah laanta danbi baadhista mareykanka tom simo oo hadlay waxaa uu sheegay in wiilkani uu yahay mid nasiib badan madaama uu ka samata baxay qatar weyn .
laga soo bilaabo sanadkii 1974 waxaa la diiwaan galiyay kiisaska dad gaaraya 105 qof oo isku dayay in ay ku safraan gudaha taayarada diyaaradaha 94 safar dunida oo dhan halka saamiga suurta galnimada badbaadada dadkaasi ay ahayd 24 boqolkiiba.
SDN/QJ-Hargeysa