Shirweynaha Kulmiye Oo La Isku Waafaqay Xilliga uu Qabsoomayo iyo Duruufaha ku Gedaaman
Hargeysa:24-April-2014 (SDN/QJ)-Shirweynaha Xisbiga Talada Somalilannd Haya ee Kulmiye, ayaa la sheegayaa in ugu dambayntii la isla gartay in Badhtamaha Toddobaadka soo socda uu dhaco.
Xubno ka Tirsan Guddida qabanqaabada oo magaciisa qariyey ayaa qurbejoog.com u xaqiijiyey in 28-ka Bishan oo ku Beegan maalinta Isniinta uu shirkani dhici doono.
Waxa uu masuulkani intaasi ku daray in ugu dambayntii la isku waafaqay in shirweynaha xilligaas si rasmi ah loo qabto, isla-markaana la dhameeyey dhammaanba wixii khilaaf ahaa ee xisbiga dhexdiisa ka jirey.
Xubintan magaceeda qarisay ayaa noo sheegtay inay suurto gal tahay in maalintaas la cayimay dib looga dhigi karo, maadaama ay wax caadi ah noqotay in khilaafka xisbigu marba iska soo kordho oo loo taaggo-hayo in khilaaf kale soo shaac baxo.
Shirweynaha Xisbiga ayaa muddo badan soo jiitamayey, waxana inta badan ay shacabku u haystaan inaanay suurto gal ahayn in xisbigu uu shir la isu laab-xaadhan yahay maadaama ay soo badanayaan beelaha qaadacaya Saamiga shirweynaha xisbigu qabsanayo.
Arrimaha kale ee shirweynaha Xisbiga Werwerka ku haya ayaa waxa ugu weyn sheegashadii Xasan Gaafaadhi ee musharaxnimada Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga, waxana tallaabadaas aad ugu soo horjeeda dhammaanba Hoggaanka Sare ee Xisbiga oo iyagu qoondaystay inaan cidi la tartamin.
SDN/QJ-Hargeysa