|

Somaliland: Maxaa sababay iscasilaada waqtigan ee Guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka Qaranka, maxaadse kala socotaa arrimaha lala xidhiidhinayo?

Hargeysa April 23, 2014 (SDN)- Kadib inka badan 4 sannadood oo uu hoggaaminayay Guddiga Doorashooyinka Somaliland, Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Ciise Xamari) waxa uu Salaasaddii shalay ka degay xilka guddoomiyenimo.

Siday Komishanka Doorashooyinka Qaranku (KDQ) ku sheegeen qoraal kooban oo ay soosaareen, waxay xubnaha Guddigu si wadajir ah u aqbaleen qoraal iscasilaad ah oo uu Eng. Ciise Xamari u gudbiyay, waxayna shalay xilkaas uu baneeyay ay u doorteen afhayeenkii guddigaas Maxamed Axmed Xirsi (Geele), maalin uun kadib markii ay heleen qoraalka guddoomiyihii hore.

Inkastoo xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo haatan lix ka mid ahi dalka ku sugan yihiin, marka laga reebo guddoomiye ku-xigeenkooda Cali-Khadar Xasan Cismaan (Kubad) oo haatan safar dibadda ah ku maqan, ay ku afgobaadsadeen in guddoomiyihii hore uu codsaday inuu xilka guddoomiyenimada baneeyo sababo shaqsi ah dartood, haddana Eng. Ciise Xamari wuxuu sii haysan doonaa xubinimadiisa KDQ.

Waxa jira tuhuno la xidhiidha nuxurka ay daarran tahay iscasilaada waqtigan lagu beegay ee guddoomiyihii Komishanka Doorashooyinka, iyadoo la ogyahay hawlaha culus ee qorshayntooda sida loo waajahayaa ay sugayaan.

Komishanka DoorashooyinkaMarka aynu eegno qoraalka Guddigu ku shaaciyay aqbalaadooda iscasilaada iyo doorashada guddoomiyaha cusub, waxa jira su’aalo la iska waydiin sida qoraalkoodu guud-mar kooban iyo wargelinta shacabka, xisbiyada iyo daneeyayaasha kale ee doorashada ugu koobnaa.

Marka koowaad, waxa iswaydiin leh; dhadhanka ay samayn karto iscasilaada sababo shaqsi lagu koobay iyo nooca duruufta shaqsi ee ku keliftay inuu guddoomiyenimada baneeyo, haddana u saamaxaysa inuu Eng. Xamari sii hayo xubinimadiisa Guddiga Doorashooyinka Qaranka. Waxa kale oo la iswaydiin karaa, sida aanu qoraalka Guddigu uga hadal sida loo doortay guddoomiyaha cusub Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geele). Tusaale ahaan, habka lagu doortay ama inay jirtay cid la tartantay, inay isku-duubnidooda darteed u dhaafeen tartan dhexdooda yimaada, hadday jirto in lala tartamay, xubinta la tartantay iyo codadka uu guddomiyaha cusubi ku hantiyay xilkaas. Sidoo kale, guddigu kama hadal, cida afhayeenka cusub ee Guddiga loo doortay, maadaama uu Mr. Geele hore u ahaa afhayeenka Guddiga Doorashada iyo in labadaa xilba uu kelidii isku hayn doono.

Xubnaha todobada ah ee xilligan ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo la doortay dabayaaqadii sannadkii 2009, waxay hirgeliyeen doorashadii Madaxtooyada ee June, 26, 2010, iyadoo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo oo xisbiga Kulmiye u tartamay uu doorashadaas kaga adkaaday, isla markaana ka guulaystay Madaxweynihii waqtigaas xilka hayay Daahir Rayaale Kaahin oo markii labaad u tartamayay xisbigii saaxadda ka baxay ee UDUB.

Xubnaha waqtigan ee KDQ waxa aad loogu amaanay habkii ay u maamuleen doorashadii Madaxtooyada 2010 iyo siday u xakameeyeen in kala-qaybsanaan dhexdooda ah laga weriyo, inkastoo ay maanka ku hayeen duruuftii ay ku yimaadeen sannadkii 2009, markii xubnihii ka horeeyay lagu khasbay inay xilka baneeyaan, kadib khilaafaad dhexdooda ragaadiyay intii u dhexaysay 2007 ilaa 2009.

Hase yeeshee, Komishanka Doorashooyinka ee waqtigoodu dhamaanayo waxa aad loogu dhaleeceeyay sidii ay u maamuleen doorashadii u dambaysay ee dawladdaha Hoose ee Somaliland oo la qabtay November 28, 2012, inkastoo ay jireen duruufo adag oo ku xeernaa hirgelinteeda oo ay kow ka ahayd laalistii Diiwaangelintii codbixiyeyaasha doorashada, tirada xisbiyadii iyo ururadii ka qaybgalay iyo tartanka qabaliga ah ee dhexdeeda bulshadu ka kori la’dahay.

IS-CASILAADA IYO XILLIGAN:

Waxa jira warar todobaadyadii u dambeeyay ka soo duulay oo tibaaxayay inuu jiro guluf awoodeed oo ka dhex jira Guddiga Doorashada.

Waxa xusid mudan, guddoomiyihii hore ee hoggaanka baneeyay, Eng. Ciise Xamari waxa lagu doortay hab aan gacan-taag iyo codbixin Guddiga dhexdeeda ah ahayn, taas bedelkeedana xubnahan oo maanka ku hayay kala-qaybsanaantii galaafatay Guddigii ay bedeleen, waxay isla garteen in Eng. Ciise aan lala tartami, isla markaana ay si guud uun iskugu waafaqaan inuu xilkaas qabto, iyadoo aanay gacanba u taagin. Iyadoo aanay xubnaha kale mamnuuc ka ahayn inay qabtaan xilkaas ama la tartamaan Eng. Xamari, haddana waqtigaas waxay go’aankaas u qaateen, si ay uga digtoonaadaan inay dhexdooda qaybsamaan ama ay laba xubnood oo tartama kala raacaan, waxayna si duuduub ah u qaateen inuu xilkaas qabto, iyadoo ay sidoo kalena guddoomiye kuxigeen u doorteen Mr. Cali-Kubad oo xisbiga Kulmiye soo magacaabay.

Guddoomiyihii hore Eng. Ciise Yuusuf Xaaji Maxamed (Ciise Xamari) iyo afhayeenkii hore oo haatan guddoomiye loo doortay Mr. Maxamed Axmed Xirsi (Geele), waxa soo xulay Madaxweyinihii hore iyo xisbigiisii baaba’ay ee UDUB.

Waqtigan waxa jira isbedel ku yimi dhinacyadii soo xuli jiray xubnaha Komishanka, waxaana saaxadda ku soo biiray xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu hoggaamiyo guddoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro).

Waxa intaa dheer, in xubnaha haatan hoggaaminta Komishanka iskaga dambeeyay uu xisbigii soo xulay saaxadda siyaasadda Somaliland ka baxay, kahor intii aan la qaban doorashadii Deegaanka ee 2012.

Laakiin, marka la eego iscasilaada xilligan, waxa lala xidhiidhiyay dhawr arrimood: hirdan dhinaca hoggaaminta ah oo Komishanka ka dhex curtay iyo inay doonayaan si ay isbedel u muujiyaan, si ay taasi ugu saamaxdo in dib loo magacaabo marka la gaadho bisha November ee sannadkan ama ay ugu yaraan ugu qiil dayaan in muddo-xilleedkooda dhamaanaya loo kordhiyo.

Marka arrimahaas laga tago, waxa jira aragtiyo kale oo laga bixiyay iscasilaada, taasoo la xidhiidhisay in xubnaha Komishanku kaga hortagayaan in sii haynta xilkaas ee Eng. Xamari ay ku keeni karto weerar kaga yimaada dhinaca Madaxtooyada iyo xisbigeeda Kulmiye, marka la gaadho doorashooyinka badhtamaha sannadka dambe, maadaama ay hoggaamiyaha Waddani iyo guddoomiyaha iscasilay ee KDQ ay isku deegaanka kasoo jeedaan. Aragtiyaha arrintaas la xidhiidhiyay, waxay daliil uga dhigeen in sida muuqata uu Madaxweyne Siilaanyo markale isu taagi doono tartanka Madaxtinimada xisbigiisa Kulmiye, iyadoo Cabdiraxmaan Cirro loo arko cidda uu loollanka ugu adag kala kulmi karo.

Marka faaqidaadaha dhinac la iska dhigo, waxa lagu wadaa in Komishanka Doorashooyinku ay maalmaha soo socda ka hadlaan isbedelka ay sameeyeen iyo qorsheyaashooda ku talogalka ee ay ku waajahayaan Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha oo horaantii bishan aynu ku jiro uu guddoomiyaha cusub ee KDQ Mr. Maxamed Axmed Geelle sheegay in la qaban doono bisha September ee 2014. Laakiin, haddii iyo haddiiba, iscasilaada waqtigani waxay u muuqataa mid soo jeedisay dareenka bulshada ama daneeyayaasha doorashada, maadaama ay tahay mid aan la filaynin waqtigan uu Komishanka Doorashooyinku waajahayo hawlaha culus ee horyaala, si loo suurtogeliyo in doorashada Madaxtooyada iyo Baarlamaanka la mideeyo, lana qabto badhtamaha 2015.

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed