|

Xiliga la Qaadanayo Hawl Wadeenada Hawsha Diiwaangelinta Muwaadiniinta oo Maanta la Shaaciyay

Hargaysa 23.April 2014 (SDN)- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Jamhuriayda Somaliland Cabdi Samad Cumar Maal ahna  Gudoomiyaha Gudida oo ugu horeyn ka hadlay shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa:

“Halkan waxa fadhida guddidii farsamo ee diiwaan galinta cod bixinta aqoonsiga muwaadinka qaranka waxaanu saaka iclaaminaynaa inaanu bilaabi doono talaabadii labaad oo ah shaqaalaynta ama shaqo qorista shaqaalahii diiwaan galinta ka qayb qaadan lahaa ee gobolada,nidaamka shaqaalahaas lagu qorayo waxa ka mid ah jaamacada qaranka ee dalka,gobolada iyo degmooyinka ay ka dhacayso diiwaan galintaasi waxa ay dadka shaqaalahii intaxaanka ku qaadanayaa jaamacadaha gobolada dalka ku yaala waxaana ka qaadaya macalimiinta jaamacadaha tusaale ahaan gobolka Awdal degmooyinka saylac lug-haya baki iyo boorama shaqaalaha diiwaan galintu ee goboladaasi ka shaqaynaya waxa y inta xaanka ku galayaan Jaamacada Camuud.”

Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha gudaha Somaliland oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray”Degmooyinka hawd hargaysa gabiiley iyo salaxlay shaqaalaha laga qaadan doonaa waxa ay imtaxaanka ku gali doonaan Jaamacada Hargaysa Iyo Jaamacada Tima-Cade,shaqaalaha ka shaqaynaya degmooyinka Barbara, sheekh iyo degmooyinka kale ee hoos yimaada ee D ah waxa ay inta xaanka ku gali doonaan jaamacada Barbara,ardayda joogta magaalada burcana waxan ay ku gali doonaan inta xaanka jaamacada burco sool iyo sanaagna iyaguna li mid.”

 

Hargaysa SDN.

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed