|

Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Somaliland iyo Dhigiisa Itoobiya oo Kulan Xaasaasi ahi Maanta dhex maray

Hargaysa 23.April 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha ee Somaliland ayaa Maanta Caasimada Waddanka Itoobiya ee Addis ababa Waxa uu Kulan kula Qaatay Dhigiisa Waddanka Itoobiya Dr. Shiferaw.

Sida lagu Sheegay Qoraal ka soo Baxay Shirkaas Waxaa Kulankan rasmiga  ah ee dhex-maray wasiirka arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam iyo wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Waran-cadde ku wehelinayeen wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ,Kulankaas oo qaatay muddo saacad iyo badh ah.

Kulankan ayaa lagu lafo-guray arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin xoojinta nabad gelyada iyo amniga guud ee labada dawladood, ammaanka gobolka iyo iskaashiga labada dawladood.

Wasiirka Arrimaha Federaalka Ethiopia Dr. Shiferaw Tekel Mariam waxa uu ballan-qaaday inay Somaliland ka kaalmayn doonaan tababarka Booliska, gaar ahaan habka loo maamulo, loona maareeyo banaan baxyada salmiga ah.

Kulankan waxa uu ku dhammaaday is afgarad iyo guul, iyadoo Dr. Shiferaw Tekel Mariam uu wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis hadiyad u siiyay khariiradda Ethiopia.

pic1 pic2 pic3 pic4

Hargaysa SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed