|

Saleebaan Xuquuq Oo Gar Eexo Ka Naqay Eedaha Dhexyaalla Haatuf iyo Xukuumadda.

Hargeysa:23-April-2014(SDN/QJ)Afhayeenka Ururrada XuquuqaL Iinsaanka Somaliland Saleebaan Ismaaciil Bullaale(saleebaan xuquuq), ayaa sheegay in Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf ay gardarro ku hayaan masuuliyiinta Qaranka.

xuquuSaleebaan Xuquuq oo maanta Saxaafadda La Hadlayey ayaa sheegay eedihii uu wargeyska Haatuf u jeedinayey Wasiirka Macdantu aanay ahayn kuwo wax ka jiraan oo ay soo ogaadeen, arrinnta la isku  hayaana ay tahay dano dhaqaale oo la xidhiidha  sahaminta arrimaha Shidaal-baadhiseed ee Dalka laga wado.

Waxa uu saleebaan Xuquuw sheegay in Guddoomiye Yuusuf cabdi Gaboobe uu Nin ay qaraabo yihiin oo uu magaciisa ku sheegay Yuusuf Cabdilaahi Cumar uu la doonayey in qandaraas dilaalis lagu siiyo Block-yo ku yaalla Somaliland, taasina tahay meesha la iska raacay wasiirka Macdanta.

Waxa uu ku adkaystay inaanay jirin Saxaafad lagu xadgudbay iyo xorriyatul qawl lagu tuntay, balse ay arrintu tahay mid salka ku hayso dano dhaqaale oo Masuuliyiinta wargeyska Haatuf iyo Wasaaradda Macdantu isku afgaran  waayeen.

Saleebaan Xuquuq ayaa si cad u sheegay in qoraalo iska daba dhacayey oo wargeyska Haatuf iyo Websayt-kiisa Lagu baahinayey ay ahaayeen kuwo baalmarsan anshaxa suuban ee saxaafadda iyo milgaha warbaahineed.

Ugu dambayntii waxa uu Saleebaan Xuquuq ku eedeeyey xukuumadda inay Albaabada iskugu dhufato xarunta Wargeyska Haatuf, waxana uu Xukuumadda ugu baaqay Inay Meheradda Furto oo ay dacwaddeeda wadato, halka uu masuuliyiinta wargeyskana ugu baaqay inay Xaadiraan Dacwadaha loo haysto.

Saleebaan Ismaaciil Bullaale Xuquuq oo muddo ka hor cad u sheegi jirey tallaabooyinka qaldan ee Xukuumaddu qaaddo, ayaa in muddo ahba la arkayey isagoo garabka saaraya Xukuumada oo imika ay si weyn isugu soo dhawaadeen markii uu ka diray Dacwado meelo dheer gaadhay oo iyada ka dhan ah.

 

S.D.N/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed