Mulkiilaha shirkada Magan`s Taxi (Mahad Xaaji Good) oo $10,000 Dollar ugu deeqay dhismaha Wadada Cad ee isku xidha Hargeysa – Sallaxley – Ina Guuxaa.
Hargeysa April 23,2014(SDN/QJ)-Tan iyo markii Beelwaynta Ciidagale bilaabeen dhisida Wadada Cad ee Hargeisa – Sallaxley – Ina Guuxaa, waxa jiray Shakhsiyad, Shirkado iyo Magalooyin kaalin weyn ka qaatay mashruucaa dib u dhiska.
Shaki la`aan, shakhsiga koowaad ee la`aantii aanay suurtogasheen hawshaa dhismaha wadada cadi waa Ganacsade Mudane Cumar Caydiid. Sida uu sheegay Sh. Maxamed Cali Geedi oo ah Gudoomiye ku Xigeenka Gudida Dhismaha wadada cad, lacagta ku baxaysa mashruucani waa $4.5 Milyan dollars, iyada oo Ganacsade Cumar Caydiid bixiyey/balanqaadey lacag dhan 45% kharashka guud. Tusaale ahaan, qaybta labaad ee wadada oo isku xidhaysa Toon ilaa Qoolcaday, waxa uu Ganacsaduhu ku bixiyey lacag ka badan $600,000.
Dhinaca haweenka, Dumarka beelweynta Ciidagale ee Hargeisa ayaa iyaguna bilowgii horeba lacag dhan $82,000 dollar ku wareejiyey gudida dhismaha wadada cad. Intaas oo keliya kumay joogsan deeqda dumarku ee mar kasta oo waji cusub oo dhismaha ah la bilaaboyaba, dumarku qayb libaax ayey ka qaataan.
Waxa iyaguna jira shirkado badan oo reer Somaliland ah oo aanan halkan ku soo koobi karin, gacan weyna ka geystey dhismaha wadadan.
Dhinaca Qurbejooga, Jaaliyadaha beelweynta Ciidagale ee ku kala nool dalalka UK, USA, Australia, Qatar, UAE, Canada iyo meelo kaleba, iyaguna sida runta ah gacan weyn ayey ka geysteen kharashka mashruucan.
Hase yeeshee, Qurbejoog ahaan, shakhsiga deeqda ugu badan ilaa hadda u fidiyey mashruucani waa Mahad Xaaji Good; Mulkiilaha shirkada Magan`s Taxi. Ganacsaduhu wuxuu degan yahay magaalada Bristol ee dalka Ingiriiska, waxaanuu ku Deeqay $10,000 dollar. Mar aan la kulmay Mahad wuxuu ii sheegay inuu jecel yahay mar kastaba ka qaybqaadashada hawlaha samafalka iyo khayriga ah. Ganacsaduhu wuxuu sheegay in xilli roobaad uu safar ku maray jidkaa wadada cad isla markaana uu dhibaato badan kala kulmay, indhihiisana ku soo arkay dhibaatada wado xumaantu leedahay. Sidaa daraadeedna uu go`aansaday inuu hawshan samafalka ah gacan ka geysto. Mahad waxa uu intaa ku daray in aanuu ka daalli doonin waxtarka mashruucan ilaa inta uu ka dhamaanayso, sidoo kalena uu ka qayb qaadan doono dhismaha wadooyinka kale ee dalkii ka socda.
Dhamaan dadkaa maalkooda ku bixiyey mashruucan khayriga ah, waxaanu ilaahay uga baryaynaa inuu ajar iyo xasanaad ka siiyo. Aaamiin.
SDN/QJ-Hargeysa