Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka DF Oo Ka Hadlay Wax-ka-bedelka Dastuurka iyo Wadahadalladii Somalia iyo Somaliland
Muqdisho:23-April-2014(SDN/QJ)-Wasiirka Garsoorka iyo Arrimaha Dastuurka Somalia Faarax Sheekh Cabdiqaadir, ayaa sheegay inay qorshihiisa koowaad ugu jirto sidii Distoorka wax looga Bedeli isla-markaana dhidibada loogu taagi lahaa Dhismaha Maamul-goboleedyada iyo waliba Wadahadalladii u dhexeeyey Somalia iyo Somaliland.
Faarax waxa uu xilka uu hadda hayo qabtay January 2014-kii markii uu Ra’iisul-wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed uu shaaciyay golihiisa xukuumadda, muddo yar xilligaa kadibna, waxa uu sheegay in wasaaraddiisu ay dhameystirtay dhowr waajibaad oo muhiim ah, laga bilaabo dhameystirka hindise-sharciyeedka Komishanka Adeegga Garsoorka illaa iyo ka shaqeynta dib-u-habeynta sharciyadda lagu maamulo xeerka ciqaabta, kuwaas oo la qoray 1962-kii markii ugu dambeysay oo wax laga baddalayna ay ahayd 1974-kii.
Wasiir Faarax ayaa waraysi uu bixiyey ku faahfaahiyey sidii looga Gungaadhi lahaa Hiigsiga ay Somalia leedahay sanadka 2016-ka, “Higsiga 2016 waxa uu ka kooban yahay saddex qeyb oo waaweyn. Qeyb waxa waaye in dib-u-eegis iyo hirgilin lagu sameeyo dastuurka ku-meel-gaarka ah oo uu noqdo dastuur laga bixiyay waxyaabaha aan wali lagu heshiin oo uu noqdo mid dadka Soomaalida u saamaxaya mustaqbalka in khilaafkooda ay siyaasad ahaan ku xallisan karaan. [Tallaabadaas] kadibna dastuurkaas afti loo qaado oo dadka Soomaaliyeed marka ay aqbalaan uu noqdo dastuur ay wada leeyihin dadka Soomaaliyeed, ilaalinaya qarannimada Soomaaliyeed, midnimada dalka Soomaaliya iyo [in uu dammaanad-qaado] wixii lagu heshiiyay oo siyaasad ahaan aan laysku xadgudbeeyn hadday ahaan laheeyd dhul ama maamul, ama xaquuqda bini’aadamka iyo haddii ay noqoto xaquuqda aasaasiga ah ee qofka uu leyahay.” Ayuu yidhi Wasiir Faarax.
Wasiirka ayaa dhinaca kale ka hadlay Wadahadalladii u dhexeeyey Somalia iyo Somaliland oo ku sheegay tallaabo horumar leh, waxana uu yidh,
“Kuma jirin wafdigii ka qayb-galay shirarkii dambe oo dhan, laakiin waxan ogahay in mar walba tallaabo horumar leh la sii qaadayay. Marka koowaad, in lawada hadlo in ay tahay tallaabo hormar leh oo muddo labaatameeyo sano ku dhawaad ayaanu jirin wax wada hadal ah oo dowladda Soomaaliya kala dhexeeya dadka ku nool deegaankas. Waxyaabaha qaar in laga wadahadlay oo meel wanagsan laysla soo gaadhay way jirtaa, oo ay ka mid tahay arrimaha amniga sidii wax looga qaban lahaa, waxa laga wada hadlay sidii layskaga kaashan lahaa waxyaabaha faa’idada guud u leh labada dhinac.Sidoo kale, waxa lawada ogyahay oo laga wadahadlay maamulka iyo maareeynta hawada Soomaaliya, oo awal waddanka dibaddiisa laga maamuli jiray. Laakiin hadda la doonayo in [hawada] laga maamulo waddanka gudihiisa maamulkaasna la doonayo in laga wada qayb-qaato. Marka, waxaan qabaa wadahadalka markuu sii socdaba inay tahay tallaabo hore loo sii qaaday oo looga gudbay dhibkii nagu dhacay iyo godobtii kala gaadhay dadka. Muddo dheer ayay qaadatay in dadka ay wadahadlaan, muddo ayayna qaadan doontaa in dadka wada heshiiyan oo ay isku yimaadan.”
S.D.N/QJ
Contact@qurbejoog.com