Madaxweynaha Puntland Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday
Garacad:23-April-2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa ka Badbaaday isku day Di loo uu la Beegsaday mid ka mid ah Ilaaladiisa gaarka ahi.
Sida ay Daabaceen qaar ka mid ah warbaahinta Somalidu, waxa rasaas Madaxweynaha oodda Kaga Qaaday Mid ka mid ragga ilaalada u ah, isagoo halkaas ku dilay Askari kale, waxana uu dhaawac u geystay laba qof oo kale oo midi Haweenay tahay.
Falkan ayaa ka dhacay degmada Garacad ee ku taalla Xeebta gobolka Mudug, iyadoo dhacdadaas loo xidhxidhay tiro ka mid ah Ciidankii Madaxweynaha la Socday.
Madaxweyne Gaas iyo Dawladdiisa ayaan wali ka hadlin dhacdadan haleeshay, waxana uu Madaxweynuhu Haatan ku sugan yahay Magaalada Galkacyo.
Warar madax banaan ayaa sheegaya in falka Askariga geystay uu maandooriye isticmaalay sidaana rasaasta ku furay
Xigasho:muqdishonews
S.D.N/QJ
Contact@qurbejoog.com