Asbaabaha Dhaliyay in Gudoomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranku uu isku Casilay
Hargaysa 22.April 2014 (SDN)- Guddoomiyihii komishanka doorashooyinka Qaranka ciise Yuusuf Maxamed “Ciise Xamari” ayaa iscasilay maanta, waxaana guddoomiye cusub loo doortay afhayeenkoodii maxamed axmed geele.
Shir ay maanta isugu yimaadeen Xubana uu ka kooban yahay Gudiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland ayaa lagu shaaciyey is casilaada Gudoomiyihii Hore iyo kan Cusub.
Waxaanay Sidaasi ku Sheegeen War saxaafadeedkan oo Isagoo dhamaystiran u dhigan Sidan:-
“Maanta oo ay taarikhdu tahay 22ka April, 2014 waxaa uu komishanka Doorshoyinka Qaranku La Socodsiinayaa bulsha Weynta reer somaliland,Xisbiyada,Xukumadda iyo Daneeyayaasha doorashooyinka:
In Guddomiyahii komishanka Doorashooyinka Qaranka Mudane Ciise yuusuf maxamed uu arimmo shakhsi aha awgood codsaday in uu banneyo jagada Guddomiyaha Komiishanka Doorashooyinka Qaranka taas oo uu qoraal rasmi ah kaga codsaday Xubnaha KDQ 20kii April 2014:
Xubnaha KDQ waxaa ay si wada jira ah uga aqbaleen in muddane Ciise Yuusuf Maxamed uu banneeyo jagada Guddomiyaha KDQ iyaga oo ugu mahad celiyay wada shaqayntii xilkaas-nimdii,masuuliyddii iyo hoggaamintii wacnayd ee uu muujiyay muddadii uu hayay xilka Guddoomiyaha KDQ.
sidoo kale, waxaa ay xubnaha KDQ si wada jira ah ugu doorteen xilka Guddomiyaha KDQ mudane maxamed Axmed Xirsi Geelle Waxaanay ilahay uga Baryayaan un uu u fududeeyo hawshaa culus.
Alla Mahad Leh.
Geesta kale Komiishanka ayaa Soo Saaray Go’aanka ay ka qaateen arrintan Waxaanay Qoraalkooda ku Yidhaahdeen
“Tixraaca Warqadda oo uu soo qoray Guddomiyaha koomishanka Mudane Ciise Yuusuf Maxamed soona baxday 20kii April,2014 nuxurkeeduna ahaa bannayn xilkii guddomiye ee KDQ.
Haddaba,ka dib markii ay xubnaha koomishanka Doorashooyinka Qaranku ka baaraan degeen isla markaasna ay lafa gureen codsiga mudane Ciise yuusuf maxamed waxaa ay go’aamiyeen in ay ka aqbalaan Codsigiisa ah in uu banneeyo xilkii Guddoomiyaha KDQ.
waxa Xxubnaha KDQ ay uga mahad celinayaan wada shaqayntii iyo hoggaamintii wacnayd ee uu ku suntanaa muddadii uu ahaa Guddomiyaha KDQ.
Sidoo kale,waxaa ay komishanka Doorashooyinka Qaranka sida uu tilmaamayo Qodobka 11d,faqraddiisa 1aad xarafka (b) ee Xeer lr. 20/2001 maanta ii ay taariikhdu tahay 21 April,2014 u doorteen Xilka Guddoomiyaha KDQ mudane maxamed Axmed Xirsi Geelle waxaanay u rajaynayaan in ilaahay xilkii u Fududeeyo.
Alla Mahad Leh.
Xubhana Koomishanka Doorashooyinka Qranka
Maxamed Axmed Xirsi Geelle Guddoomiye—————
Cali Khadar Xassan Cismaan G/ku-Xigeen—————
Eng.Ciise Yuusuf Maxamed Xubin———————
C/fataax Ibraahim Xassan Xubin———————
C/raxmaan Maxamed Ismaaciil Xubin————————-
Raabi Cabdi Maxamed Xubin————————-
Faarax Abiib Aadan Faarax Xubin——
Hargaysa SDN.
Contact@qurbejoog.com