|

Afhayeenka Madaxtooyadda oo ka Hadlay Xildhibaano la sheegay in laga Mamnuucay Madaxtooyada

Apr.22, 2014(SDN/QJ) – Af-hayeenka Aqalka Madaxtooyada Somaliland Md:Axmed Saleebaan Dhuxul ayaa waxba kama jiraan ku tilamaamay warar sheegaya in Madaxtooyada laga mamnuucay Shan Xildhibaan oo ka tirsan Aqalka Golaha Wakiilada Somaliland.

Af-hayeenka oo u warmaayey wargeyska Geeska Afrika ayaa sheegay in madaxtoyadu ay ku mashquul santahay horumarinta arimaha qaranka balse aanay ku mashquulsanayn shaqsiyaad.

Mr:Dhuxul oo uguhoreyn ka hadlaaya jiritaanka arintani ayaa waxaa hadaladiisii ka mid ahaa“Wax jira iyo wax raad leh midna maaha. Madaxtooyadu Muxaafid iyo Mucaaradba waa Madaxtooyadii qaranka,Qof walba oo Muwaadin ahna waa Madaxtooyadiisii.”
Mr:Dhuxul waxaa isaga oo hadalkiisa sii wata uu intaasi ku daray in aanay jirin wax amar ah oo ay madaxtooyad bixisay kaasi oo lagaga madmuucaayo in aanay xildhibaanadaas soo galin madaxtooyada wax Amar Madaxtooyadu bixisay ma jiro, Xukumadduna kuma mashquulsana Shaqsiyaad ee waxay ku mashquulsan tahay Arimaha qaranka iyo Horumarintiisa.Amarkaasina gebi ahaanba wax jira maaha, iyagaana la waydiin meesha ay ka keeneen, waana War been abuur ah.”Ayaa uu yidhi Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland.

Hadalkan AF-hayeenka ayaa imanaya ka dib markii dhawaan ay soo baxeen warar sheegaya in xildhibaano ka tirsan KULMIYE iyo WADDANI liis ay ku qoran yihiin loo dhiibay  ciidanka ilaalada madaxtooyada kuwaasi oo lagu amraayo in aanay soo galin madaxtooyada.
Xildhibaanada la sheegay in ay liiska k qornaayeen ayaa waxaa ay kala ahaayeen Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi(Obama), Siciid Cilmi Rooble, Ibraahin Mahdi Buubaa, Bashiir Tukaale iyo Xildhibaan Rayte.

-SDN/QJ-Hargaysa,Somaliland

Contact@qurbejo0g.com

 

Comments are closed