Madaxweynaha Dalka Burundi ayaa Maanta Booqasho aan Hore loo sii Shaacin Ku Tegay Magaaladda Muqdisho,Kulan la qaatay Madaxweyne Xasan Sheekh
22,Apr.2014(SDN/QJ)- Madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza ayaa booqasho aan horey loo shaacin maanta oo Talaado ah ku tegey Muqdisho. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey Pierre Nkurunziza garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, waxaana kulankoodu ka dhacay Saldhiga ciidamada AMISOM ee ku yaala Garoonka diyaaradaha.
Ciidamada dalka Burundi ee AMISOM ayaa Soomaaliya ku sugnaa tan iyo sanadkii 2007, waxaana ay qayb weyn ka qaateen dagaaladii lala galay al-Shabaab ee banaanka looga saarey Muqdisho.Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa waxa uu u sheegay Madaxweyne Pierre Nkurunziza doorka ay Ciidamada Dalka Burundi ay ka qaateen in Magaaladda Muqdisho iyo Gobolo kale oo dalka ahba laga saaro Al-shabaab.waxaana hadaladiisii ka mid ahaa madaxwene Xasan Sheekh “Mudadii ay ciidanka Brundi dalka ku sugnaayeen horumar ballaaran baa la sameeyey, Muqdisho oo kooxahii nabad-diidka laga saaray, oo maanta Muqdisho ay ku tallaabsatay horumar baaxad leh. Sidoo kale gobollo fara badan ayaa gacanta Al-Shabaab laga saran sida Baydhabo, Kismayo, Marka, Jowhar, Beledweyn, Xudur, iyo goobo kale. Ciidanka Soomaaliyeed iyo AMISOM ayaa ku howlan sidii Al-Shabaab looga saari lahaa goobaha ay joogaan oo shacabka loo gaarsiin lahaa faa’iidada nabadda. Waxaa mahad gaar ah leh ciidamada Brundi iyo kuwa kale ee Afrika ee noo soo gurmaday.”
Madaxweynaha dalka Burundi ayaa isla maanta kulan la qaadanaya taliyaha ciidanka AMISOM Lt. General Silas Ntigurirwa oo isaguna ka socda dalka Burundi, isla maanta ayaa lagu wadaa in uu dib uga laabto Muqdisho.
SDN/QJ-Muqdisho,Somalia