|

Mucaaridka Syria iyo reer Galbeedka oo qaadacay Doorashooyinkaa lagu wado in ay ka dhacaan June

Dimishiq April 22,2014(SDN/QJ)-Mucaaridka dalka Syria ayaa qaadacay doorashooyinka madaxtooyada ee dalkaas oo lagu wado in ay qabsoonto bisha June ee inagu soo fool leh sadexdeeda.

Mucaaridka ayaa sheegay in iyada oo dalkaasi uu ka socdo dagaal ka dhan ah madaxweyne Bashaar Al Aasad aaney macquul aheyn in hadana loo dareero doorashooyin.

Mucaaridka ayaa sheegay in xukuumada Syria ay dooneyso sifo ay ku sharciyeysato hogaanka dalkaasi ee shacabku kol hore diideen.

Dalalka reer Galbeedka ayaa dhankooda wax lagu qoslo ku sheegay doorashooyinka ay xukuumada Syria dabada ka riixeyso.

Qaramada Midoobey ayaa dhankooda sheegay in doorashooyinka la shaaciyay ee madaxtooyada Syria ay keeni kareyso bur bur ku yimaada nabadeynta dalkaasi.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in dagaalada ahliga ah ee dalkaa ka socday mudada labaa sano ka badan in ay ku dhinteen ilaa 150,000 ooruux.

SDN/QJ-Dimishiq

contact@qurbejiig.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed