Ethiopia Oo Muddo Toban Cisho Gudahood ah Addis Ababa Ugu Yeedhay Masuulkii Saddexaad ee Somaliland ah Si Wax Looga Weydiiyo Dhacdadii Gabiley
Hargeysa:22-April-2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde ayaa Noqday Masuulkii Saddexaad ee Muddo Toban Cisho Gudahood ah looga Yeedho Addis Ababa si wax looga Weydiiyo Dhacdadii dhawaan Gabiley kaga kaga Dhacday Saraakiisha Ehtiopian-ka.
Dhacdadaas oo ay Ethiopia ku sheeganayso in lagaga Shubtay Macluumaad muhiim ahaa, ayaa hore loogu yeedhay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland si arrintan wax looga Su’aalo, iyadoo laba Cisho dabadeedna farta loogu yeedhay wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo wali ku maqan halkaas.
Cali Warancadde oo isagu ah masuulka amniga dalka masuulka ka ah, ayaa nonaya masuulkii saddexaad ee isla dhacdadan Adis Ababa u taga, iyadoo xukuumadda Ethiopia aanay wali ku qancin jawaabaha ay Bixiyeen Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiir Maxamed Biixi.
Wasiirka ayaa lagu wadaa in si weyn wax looga Su’aalo tallaabooyinka uu ilaa hadda qaaday si uu wax uga qabto masuuliyiintii Baadhashada u geystay Saraakiisha Ethiopia-nka ahaa ee Somaliland dhexdeeda Marayey.
Xukuuumadda Somaliland ayaa mar hore sheegtay inay Raalligeln u dirayso Dawladdsa Ethhiopia Dhacdada lagu Baadhay Saraakiisshooda, waxase iyagoo xabsigana Dhigay Madax, Ciidan iyo Saraakiil ka Tirsan Gobolka Gabiley, waxase aanay Tallaabadaasi U Cuntamin Xukuumadda Ethiopia oo aan wali liqin dhaqankii ay arkeen.
Masuuliyiinta Somaliland ka Tirsan ee ilaa iyo Hadda Gaadhay dalka Ethiopia, ayaan wax jawaab ah bixinin, balse waxa muuqata in Noqnoqashada Madaxda Somaliland ee Ethipia ay muujinayso inaanay wali Somaliland Helin Jawaab cad oo lagu qanci karo.
S.D.N/QJ