Suldaankii Guud ee Beelweynta Sheekhaal Oo Lagu Dilay Magaalada Kismaayo
Kismaayo:21-April-2014 (SDN/QJ)-Waxa Goor dhaweyd Magaalada Kismayo lagu dilay Suldaankii Guud ee Beelweynta Sheekhaal oo Halkaas ku sugnaa.
Wararka ayaa sheegay in Suldkaanka ay Toogteen Rag Hubaysani xilli uu kusugnaa Goob shaaha laga Cabbo oo aad loog Buuxay.
Suldaanka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Caamir Cabdiraxmaan Cabdidhuux, Waxana uu caan ka ahaa Deegaandaas oo uu muddo badan ku Noolaa.
Suldaan Cabdirashiid oo ka mid ah ka mid nabadoonada ku sugan Kismaayo ayaa xaqiijiyay dilka suldaanka guud ee beesha Shiikhaal, wuxuuna ku eedeeyay dilkiisa maamulka KMG ah ee Jubba.
Mar la weydiiyay sidda uu ku xaqiijin karo wuxuu sheegay suldaanka in uu ka mid ah rag maalmahan u ololaynaayay siddii loo heshiisiin lahaa dhinacyadii ku dagaallamay magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay suldaanka in uu ka mid ah ragga ka soo jeeda maamulka Axmed Madoobe oo ku eedeeyay in ay mas’uul ka yihiin dilalka ka dhaca magaalada.
Kooxda suldaanka beesha Shiikhaal ku dishay Kismaayo ayaa goobta isaga baxay, waxaana gaadhay goobta ciidamo ka tirsan maamulka KMG ah ee Jubba, iyadoo illaa iyo haddana aan la haynin ciddii dilkan geysatay.
Dilalka ayaa ku soo badanaya Magaalada Kismayo, iyadoo dhinaca kalena ay Axmed Madoobe iyo Barre Hiiraale si weyn siyaasadda ugu sii kala fogaanayaan muddooyinka dambe.
S.D.N/QJ