Saraakiil ka Socda Shirkada ENOC Ee Imaaraadka Oo Somaliland U Yimid Hawlo Maalgashi Iyo Wasiirka Duulista Oo Soo Dhaweeyey
Hargeysa,21,2014 (SDN/QJ)-Wafti heer sare ah oo ka socda shirkada ENOC ee Imaaraadka laga leeyahay ayaa maanta ka soo degay Madaarka Cigaal International Airport ee Caasimada Hargeysa.
Waftigani oo ka kooban laba xunood oo Somaliland u yimid hawlo maalgashi ganacsi ayaa waxa Madaarka Cigaal ku soo dhaweeyey Wasiirka wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo saraakiil ka tirsan Shirkada wadaniga ah ee AFLAX.
Maxamed Xaaji Aadan oo ah Sarkaal sare oo ka socday shirkada Aflax Spare parts oo iyadu casuumad u fidisay xubanaha kambaniga ENOC ayaa ka hadlay ujeeda safarka xubnahaasi waxaanu yidhi “ labadani sarkaal waxay ka socdaan shirkada ENOC, oo ka mida shirkada waaweyn ee dalka Imaaraadka Carabta, shirkadani oo ah shirkada caalami ah waxay daneeyeen inay imaadaan Somaliland, kuna sameeyaan maalgalin iyo horumarin, iyagoo ay wakiil u tahay shirkada shirka Aflax Spare parts, watigani waxay ino-indhayn ku samayn doonaa dalka, waxaanu soo dhawaynaynaa Gudoomiyaha shirka ENOC oo Maxamed Saadiq iyo Cabdirisaaq Yusuf oo Suuqgaynta u qaabilsan.”
Gudoomiyaha shirka ENOC Maxamed Saadiq oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “ Wasiirka iyo Masuuliyiinta shirkada Aflax waxaan ugu mahad celinayaa soo dhawaynta balaadhan ee ay noo samaayeen, maaalintani waa maalin weyn, shirkada ENOC waxa ka go’an inay ka mid noqto shirka hormoodka ka ah ganacsi iyo maalgashi laga sameeyo Somaliland, waxa kale oo aanu qorshaynaa inaanu ka mid noqoto shirkadaha wax soo saarkooda toos ku keena Somaliland, taasina waxay noqonaysaa bilowga wada shaqayn iyo iskaashi ina dhex mara, waxa kale oo jira mashaariic dhawr ah oo aanu maanka ku hayno, kuwaas oo aanu doonayno inaanu halkan ka samayno.”,ayuu hadalkiisii ku soo xidhay.
SDN/QJ-Hargaysa
contact@qurbejoog.com