Dawladaha Denmark iyo Norway oo ka dhaga adeygay mumnuucida Gudniinka Fircooniga ah
Oslo April 21,2014(SDN)-Dawladaha Denmark iyo Norway ayaa iska indho tiraya dalabaadka in ay manuucaan gudniinka inamada ee aan aheyn ka caafimaad.
Dawlaahana ayaa haatan weliba qaaday tilaabooyin hor leh oo ay dhaqankaasi ku sharciyeynayaan.
Wasaarada Caafimaadka ee Norway ayaa soo bandhigtay sharci ay ku xadideyso isla markaana ay khidmad ku lareyso gudniinka dhaqanka ah halkii laga filaayay in ay mamnuucdo.
Wasiirka wasaarada Caafimaadka Norway Bent Hoie oo sharcigan u gudbiyay Baarlamaanka dalkaas ayaa sheegay in loo baahan yahay in Gudniinkan loo helo goobo ku haboon oo lagu fuliyo.
“In la iska hortaago inamada dedaalada looga hortagayo cudrada caafimaadkooda halista ku ahma aha ee waa in la sharciyeeyaa si loo hubiyo in gudniinka ay sameeyaan dad aqoon u leh isla markaana lagu sameeyo goob caafimaad”sidaa waxa yiri wasiirka caafimaadka Norway.
Kalkaaliyeyaasha caafimaad iyo kooxaha u dooda xuquuqaha caruurta ayaa ka soo horjeeda gudniinka oo ay ku eedeeyeen in uu yahay xad-gudub loo geysanayo jirka ubadka.
Geesta kalena Gudida caafimaadka Denmark ayaa shaacisay in gudniinka aan caafimaadka la xiriirin in dalkaasi laga ogol yahay.
Urur ay ku bahoobeen dhakhaatiirta dalkaasi ooh ore u dhaliilay gudniinka noocyadiisa dhaqanka ku saleysaysan ayaa sheegay in ay goaanka soo dhaweynayaan mar hadii aan la bedeli kareyn goaanka dawladeed.
Reer Galbeedka ayaa ku kala qeybsan faaiidooyinka iyo khasaaraha Gudniinka inamada halka ay ka mideysan yihiin qaadacaada gudniinka fircooniga ah ee gabdhaha.
SDN/QJ-Oslo