|

Madaxweynaha dalka Yemen oo qaabilay wefdi reer Jabuuti ah oo Wasiirka Warfaafintu hogaaminayay

Sanca April 21,2014(SDN/QJ)-Madaxweynaha dalka Yemen Cabdu Rabu Mansoor Xadi ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socday dalka Jamhuuriyada Jabuuti oo booqasho dalkaa ku jooga.

Wefdiga reer Jabuuti oo uu hogaaminayo wasiirka Warfaafinta Md Cali Xasan Bahdoon iyo Madaxweyne Xadi ayaa ka wada hadlay cilaqaadka qotada dheer ee labada dal sidii hore loogu sii marin lahaa.

Madaxweyne Xadi ayaa hoosta ka xariiqay in labada dal ay ku yaalaan marinka loo yaaqaano Bab Al Mandab oo isku xira badda cas iyo Gacanka Cadmeed isla markaana sugida amniga ay tahay mid labada dal in ay ka wada shaqeeyaan.

“Dunida oo haatan noqotay degmo ayaa sababeysa in xogta ay labada isweydaarsadaan,waxaanu wasirada warfaafinta labdeena dal ku boorinayaa in ay yeeshaan wada shaqeyn”ayuu yiri madaxweyne Xadi.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wasiir Bahdoon ka codsaday in uu dhanbaal salaam ah ka gaarsiiyo madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Md Ismaciil Cumar Geelle.

SDN/QJ-Sanca

contact@qurbejoog.com

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed