|

Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay In Qalalaasaha Syria Iyo Somalia Ka Taagani Caqabad ku Yihiin Gargaarkii ay Bixin lahaayeen

London:21-April-2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Guddida Gargaarka ee Dawaladda Britain William Shawcross, ayaa amnidarrda ka jirta Syria iyo Somalia ku sheegay caqabad hortaagan gargaarkii ay bixin jireen.

williGuddoomiyaha ayaa Hadalkanu ku sheegay waraysi uu siiyey Wargeyska The Sunday Times, isagoo ka hadlay amniga dalka Syria iyo saameynta gargaarkooda.

 

Wuxuu sheegay in dalka Syria kooxa ka dagaalama mararka qaar ay ku qasban yihiin inay dhaqaalo siiyaan si dadka u baahan gargaarka loo gaadhsiiyo, sida uu sheegay gudoomiyaha.

 

Gudoomiyaha gudiga gargaarka UK ayaa qoraal uu ku dalbanayo in sharcigaasi wax laga badalo u diray ra’iisul wasaaraha dalkaasi David Cameron.

 

”Waan hubaa in meelahaasi sida Syria iyo Somaliya ay aad u adag tahay in hayadaha ay ka shaqeyaan si loo ogaado dhamaadka gargaarkooda, laakiin feejignaan dheeri ah ayay ku jiraan”ayuu yidhi Mr Shawcross.

 

Hayado gargaar oo ka howlgala dalka Syria oo gaaraya seddex ayaa la sheegay in baaritaano ay ku socdaan taasi oo ku aadan inay dhaqaalo ku taageeraan mucaaradka Syria, halka todobo kale la baaray.

 

Dad badan oo kala duwan ayaa loo xidhay shakiga ku aadan inay ku luglahaayeen in gargaar ay dhaceen, taasi oo booliska ay sheegeen in loogu talo galay rayidka dalka Syria.

 

S.D.N/QJ.

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed