|

Shan Wariye Oo Somaliland Ku Xidhay Laascaanood iyo Sababta Xadhigooda Keentay

Lascanod:21-April-2014(SDN/QJ)-Wariyayaal ku sugan Magaalada Lascanod oo La Hadlay Qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay in halkaa lagu xidhay shan wariye Maalintii shalay.

cabduShanta wariye ee la xidhay ayaa la sheegay in qaarkood wakiillo u ahaayeen warbaahinta ka Hawlgasha Somalia oo waliba Muuqaal ah, halka labada kalena ay ahaayeen wariyayaal madax bannaan oo mihnaddaas ku shaqaysta.

Wararka ayaa sheegaya in xadhiga suxufiyiintaasi ay ka danbaysay ka dib markii ay soo duubeen muuqaal Odayaal dhaqan oo ka cadhaysan socdaalka uu Garaadka Jaamac Siyaad  uu ku tagay magalada Hargaysa ee Caasimadda Somaliland.

Masuuliyiintan Somaliland uga wakiilka ah Laascaanood ayaa wariyaasha ku amray inay gacanta usoo galiyeen muuqaalka ay kulankaasi kasoo duubeen taasoo markii danbe dhalisay inay xabsiga galleen markii ay diideen inay baxshaan xogta ay shirka kasoo duubeen.

 

Lama yaqaan sida ay xaalada wariyaashu ay tahay balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in laga yaabo wariyaal kale inay xabsi mutaystaan haddii ay ka fogaan waayaan waxyaabo aysan raali ka ahayn.

 

Madaxda degmada Laascaanood ayaa sheegay wariyaashu inay qayb ka ahaayeen shir lagu carqaladaynayo amniga Somaliland.

 

Xukuumadda Somaliland ayaa lagu eedeeyaa inay si weyn u  cabudhiso saxaafada xorta ah ee ka shaqeysa deegaanadeeda, waxana haatan la bilaabay in xarumaha Warbaahina sharciga ah Albaabada Loo Laabo.

 

S.D.N/QJ.

timo@qurbejoog.com

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed