|

Somaliland oo u quus goysay kooxaha Nabad diidka ah Digniin kama danbays ahna u dirtay kooxo ay ku tilmaantay qaswadayaal

20,Apr.2014(SDN/QJ)-Xukuumadda Somaliland ,ayaa soo saartay digniin ay uga digayso Kooxo ay ku shegaty iany Nabad diid yihiin oo dalka Qas iyo Qalalaase ay ku la dhex jiraan dadka  iyo dalka Somaliland.

waxaana warsaxaafadeed laga soo saaray Wasaaradda  Arimaha Dibadda uuu u dhignaa sida tan ”

Qoddobka 10aad ee Dastuurka Somaliland wuxuu qeexayaa in ay Somaliland tahay Dal aqoonsan, kuna dhaqanta Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah. Waxaanay tahay Dal aaminsan in khilaafaadka Dawliga ah lagu xalilo dariiq Nabadeed iyo Wadahadal, waxaanay aaminsantahay dhawrista Soohdimaha Dalalka kale.

Sidaas darteed Somalailand marnaba Ogolaan mayso in lagu soo xad gudbo Soohdimaha ay la leedahay dalalka kale, mana dhacayso in dad qas-wadayaal ah oo Nabad diid ihi ay ku andacoodaan in ay gudaha Somaliland ku qaban doonaan shirar xaaraan ah oo aan Ogolaansho ka haysan Xukuumadda Somaliland, mana dhicin mana dhacayso in cid kale cadaadis ku saarto xoojinta dhaqdhaqaaqa maamul fidinta iyo sugida Nabad gelyada shacabkeeda meel kasta oo gudaha Somaliland ah.

Sidaa darteed, xukuumadda Somaliland waxay ka codsanaysaa dalalka jaarka ah, iyo ururada caalamiga ah inay ka digtoonaadaan gacansiinta abaabulka shirar ka dhan ah Qaranimada iyo Is-raacsanaanta Dhuleed ee Somaliland, iyo in ay Ixtiraamaan Soohdimaha Caalamiga ah iyo Qaranimada Somaliland, sida ay Somaliland u ixtiraamto una aqoonsantahay”.

SDN/QJ-Hargaysa

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed