Jeelka Hargeya: Xubno ka Tirsan Ciidanka Ilaalada Xabsiga Oo Lagu Tuhmay inay Hubeeyeen Maxaabiista, Shir Haatan Socda iyo Saraakiil Xadhig Loo Diyaariyey
Hargeysa:20-April-2014(SDN)-Waxa warar dheeraad ah laga Helayaa dhacdadii Maanta gelinkii dambe ka dhacday Jeelka weyn ee Hargeysa oo ay maxaabiisi rasaas la dhaceen ciidankii Halkaas ilaalinayey.
Sida uu wasiirka wasaaradda Caddaalada Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale u sheegay Idaacadda BBC-da, waxa dhintay Hal askari, halka uu midkalena dhaawacmay.
Ciidankan dhibaatadu gaadhay, ayaa la sheegayaa inay rasaas Nool la dhaceen Kooxo maxaabiis ah oo Argagixiso iyo Budhcad Badeed iskugu jiraa, waxana Halkaas ku naf waayey mid ka mid ah Ciidankii ilaalada ahaa halka uu mid kalena dhaawac culus qabo.
Wasiirka ayaa sheegay inaanay jirin cid maxaabiis ah oo ilaa iyo imika maqani oo dhamaanba la wada qabtay kooxdii maxaabiista ahayd ee isku dayday inay baxsadaan.
Warar kale oo qurbejoog heshay ayaa sheegaya in Kooxaha argagaxisida iyo Budhcad-badeedda ah si hoose loola shaqanayey oo uu jirey Heshiis xubno ka mid ah Ciidanku la galeen Maxaabiista, kaas oo Hub lagu siiyey Maxaabiistan wax laysay.
Wararka aanu Hayno ayaa sheegaya in Maxaabiista qaar lacago badan lagaga qaatay sidii ay meesha uga baxsan lahaayeen, isla-markaana loo dhiibay Bastoolado iyo hub kale oo badan, iyadoo ay galabta isku dayeen inay fuliyaan hawshan ay kooxda Askarta ka midka ahi kula heshiiyeen.
Iskudaygan ay maxaabiista qaarkood doonayeen inay ku baxsadaan ayaa waxa fashiliyey qaar ka mid ah askarta, gaar ahaan kuwa Dhimashada iyo dhaawacu soo gaadheen oo aan waxba kala soconin heshiiska lala galay maxaabiista, waxana halkaas ka dhacay dhimashadan haatan jirta.
Wasiirka wasaaradda Caddaalada ayaa shir degdeg ah haatan xarunta jeelka kula leh saraakiisha jeelka iyo ciidanka Asluubta, waxana laga wada hadlayaa sababta keentay dhacdadan fashilka ku ah guud ahaanba ammaanka qaranka Somaliland.
Shirka ayaa haatan soconaya, waxase warar hoose oo Qurbejoog.com soo gaadhayaa ay sheegayaan in la hayo raadadka Xubno ka tirsan Askarta oo hawshan looga shakisan yahay, kuwaas oo marka shirku dhamaado la taxaabi Doono.
Wixii Warar ah ee Arrintan ka soo Kordha kala soco Qurbejoog.com
S.D.N/QJ-Hargeysa