Maxbuus Rasaaseeyay Ciidanka Jeelka Weyn ee Hargaysa iyo Khasaare Dhimasho iyo Dhaawac leh oo ka dhashay
Hargaysa 20.April 2014 (SDN)- Hal Askari ayaa ku dhintay Mid kalena waa dhaawac ka dib markii Nin ka tirsan Maxaabiis Budhac badeedah oo ku xidhan Jeelka Weyn ee Hargeysa uu Tacshiirad ku furay Askarta Duhurnimadii maanta.
Dhawr Maxbuuska ayaa Wararku Sheegayaan inay la soo baxeen Baastoolado ay ku dhex haysteen Gudaha Xabsiga oo aan la garanayn qaabka loogu geeyay Waxaanay Xabado ku rideen Askarta Ilaalada Xiligaas ku Jirtay.
Ila Xogogaal ah ayaa sheegaya in Maxaabiista Qaarkood dhaawac soo gaadhay in kasta oo aan la hubin khasaaraha rasmiga ah.
Maxaabiistan Budhcad-badeednimada iyo argagixisada u xidhnaa ayaa gacanta lagu dhigay ka dib Tacshiiradda ay is weydaarsadeen Ciidanka Ilaalada Xabsiga . Iyadoo ilaa hadda aanay jirin Cid ka hadashay .
Geesta kale Wararka hor dhac ayaa Shabakada Qurbejoog.com u Xaqiijiyay in Marxuunka Geeriyooday uu Magaciisu yahay Cabdi Siciid halka uu Sidoo kale dhaawac halis ah yahay Maxamud Beel Geel Labadaas askari ayaa ka Tirsanaa Ciidanka Asluubta ee Jeelka Dhexe ee Caasimada Hargaysa , Sidoo kale Maxaabiistan oo qaarkood u xidhnaayeen Falal argagixiso kuwaas oo qaarkood ku hubaysnaayeen Baastoolado,Warku waxa uu intaas ku darayaa in Maxaabiistan ay banaanka uga soo baxeen Xabsiga isla markaana dibada lagu qabtay.
Taliska Asluubta ee Somaliland ayaa ilaa iminka aan ka hadal qadiyadan iyagoo Weli ku mashquulsan qaabka ay dhacdadani u dhacday.
Wixii Warar ah ee dhacdadan ka soo Kordha kala soco Qurbejoog.com
Hargaysa SDN.
Contact@qurbejoog.com