Ganacsigii Somaliada ee Xaafadda Islii oo Hoos u Dhac balaadhani Ku Yimid
16,APR.2014(SDN/QJ)-Waxa si aad ahb hoos ugu dhacay guu ahaanba dhaqdhaqaaii GanacsiĀ ee ay somalidu ku lahayd Xaafadda Islii ee Magaaladda Nairobi.arintan ayaa ka dambaysay qabqabsho iyo raaf baahsan oo soo waajahay Somaliada ku ganacsata Islii,taas oo keentay inuu hoos u dhac balaadhani ku yimaado hawlihii ganacsi ee Guud ahaanba Magaaladda gaar ahaana,Xafaadda ay Somalidu ku badantahy.
Dadka ayaan soo dhaafayn Guryahooda iyo Goobahooda Ganacsi,iyaga oo ka cabsi qaba in lagula kaco Xad-gudubyo iskugu jira Xidhid iyo jidh-dil iyo waxyeelo soo gaadha hantidooda.
Wadooyinka waaweyn ee Xaafada Islii oo inta badan mashquul aad ah ahaan jiray,ayaa haatan u muuqda goobo laga haajiray.
Dhinac kale waxa wali sii socota Qabqabshadda lagu hayo dadka Somaliada ah ee Qaxoontiga ku jooga Magaaladda Nairobi ee Wadanka Kenya,iyada oo haatan ay waji kale yeelatay oo ay Hoagaanka Bolisku sheegayaan inay haatan baadhitaan ku samaynayaa hantida 20 qof oo ka tirsan ganacsatadda Somalida,iayga oo ku andacoonya inay suuragal tahay inay ku lug leeyihiin hawlo la xidhiidh dhinaca gudbinta lacago sharci daro ah oo lagu taageerayo Argagixisada.
SDN/QJ-Nairobi,Kenya