|

Firxadka Maleeshiyaadkii Ka Soo Yaacay Taleex Oo Dhaqdhaqaaq Ciidanka Ka Abaabulaya Deegaanka Buuhoodle

Buuhoodle:16-April-2014(SDN/QJ)-Ciidamada ka soo Firxaday Deegaanka Taleex ee maamulka  Kooxda Khaatumo, ayaa Haatan isku urursanaya Deegaanka Buuhoodle, iyagoo diyaar u ah inay Weerar ku soo qaadaan Ciidanka Somaliland oo Jiidahaas Jooga.

kakaSida ay Qurbejoog.com u sheegeen Goobjoogayaal u xaqiijiyeen Waxa Goobaha Miyiga ah ee dhinaca Galbeed kaga Beegaan Magaalada Buuhoodle lagu Arkay Ciidamo Hubaysan oo ka badan kuwii Halkaas joogi jirey, waxana jirta Cabsi soo Foodsaartay Dadka Rayidka ah oo u badan Xoolo-dhaqato daaqsato ah.

Ciidanka Maleeshayida ah ee Goobahaas lagu arkay ayaa lagu sheegay inay ku soo firxadeen dagaaladii ay ciidanka Somaliland kaga Qabsadeen Degaanka Taleex oo saldhig u ahaa  muddo laba sano ah.

Sidoo kale waxa waxa iyaguna heegan galay ciidanka Somaliland ee Deggen Deegaanka Hadh la’da loo yaqaan oo u dhexaysa Buuhoodle iyo Qorulugu, waxana ay Diyaar u yihiin Weerarro kaga Yimaadda Kooxdaas isasoo urursanaysa.

Inta badan Maleeshiyada ku nool Deegaanka Buuhoodle ayaa dagaalo la galay Cidanka Somaliland, waxana Halkaas ka dhashay Dhimasho iyo dhaawacyo badan, balse muddooyinkii ugu dambeeyey arrintu waa ay deggenayd oo dhibi ma ay jirin.

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed