Wasiirka Macdanta Oo Mar Kale Gambadh Ugu Soo Fadhiistay Hay’ad Warbaahineed Oo Kale iyo Hanjabaadda uu Soo Diray
Hargeysa:16-April:2014(SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa mar kale ka Gubtay War laga Baahiyey Tv-ga Bulsho, waxana uu Ballan ku qaaday inuu Tallaabo qaadi doono Haddii ay mar dambe soo Noqoto.
Wasiir Xuseen oo hore Albaabada ugu Laabay Wargeyskii Haatuf, ayaa sida la sheegayo ka biyo Diiday war Tv-gaasi baahiyey oo la Xidhiidhay Masuuliyiinta Xisbiga Ucid oo sheegay inay Hayaan Caddaymo muuqda oo la xidhiidha Lacagaha Wasiirka ku maqan, waxana uu arrinaas ka Diray Qaylo dhaan dheer.
Sida ay sheegayana Ilo-wareedyo kala duwan oo aanu helaynaa, waxa uu wasiirku markiiba Kooxaha u qaabilsan Dabagalka Warbaahinta ku amray inay raadiyaan Cidda warkaas Baahisay iyo sida uu ku yimi, waxana ay Gacanyarayaashiisu ilaa iyo shalay Jiif iyo Joogba u diideen Hawl-wadeennada TV-ga Bulsho, iyagoo markii dambe Gaadhay Mulkiilaha oo ay u sheegeen inuu joojiyo wararkaas oo kale Baahintooda.
Wararka ayaa intaas ku daraya in madaxda Wasaaraddu Mulkiilaha Tv-gu ugu Hanjabeen Haddii uu wax ka beddeli waayo Habka uu wararka u Baahiyo ay Gebi ahaanba marin doonaan Goobihii ay hore u mariyeen Haatuf, balse lama Garan karo waxa uu mulkiiluhu taas kaga jawaabay.
Sida ay sheegayaan ilo wareeddadaas aanu Haynaa kooxda ka tirsan wasaaradda ee la kulantay wasiirka ayaa Hab qabyaaladeed ugu beerlaxawsatay inuu ka Daayo wararka iyaga ka dhanka ah oo aan la Baahin wax war ah oo liddi ku ah wasiirka Macdanta oo intii dambe qabay sas meelo kaga imanayey oo la xidhiidhay lacago lagu eedeeyey inuu Goob gaar ah dhigtay.
Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa tan iyo intii uu Xilka hayey aanu marnaba madaxweyne Siilaanyo wax ka weydiinin Habka uu u wado shaqada uu hayo, waxana ay taasi keentay inuu ku dhaqaaqo ku takri fal iyo qaadasho hantiyeed, taas oo markii ay Warbaahintu Baahisayna xadhig uu ugu jawaabay.
Ugu dambayntii waxa la sheegayaa inay Mulkiilaha Tv-ga Bulsho iyo Masuuliyiinta Wasaaraddu wax isku af garteen, iyadoo la Aaminsan yahay inuu Mulkiiluhu aqbalay inaanu Baahinin wax war ah oo iyaga ka dhan ah.
SDN/QJ-Hargeysa
timo@qurbejoog.com