|

Madaxweyne Siilaanyo oo xil xukuumaddiisa ku cusub u magacaabay xubin ka tirsanaa Xisbi-yahanada UDUB-tii burburtay

Hargeysa 15, April 2014 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta Lataliyihiisa arrimaha hay’addaha u magacaabay Mr. Cabdifataax Siciid Axmed.

Sida lagu sheegay degreetada magacaabista oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyada Mr. Axmed Saleebaan Dhuxul, Madaxweynuhu wuxuu Mr. Cabditafaax Siciid Axmed u magacaabay lataliyahiisa arrimaha hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah.

Mr. Cabdifataax SiciidMasuulka Madaxweynuhu xilkan cusub u magacaabay, wuxuu xilligii xukuumaddii Madaxweyne Rayaale uu ku magacownaa wakiilka Somaliland u jooga dalka Ireland, iyadoo muddooyinkan dambena uu ka mid noqday shaqsiyaadka sida aadka ah u difaaca xukuumadda xisbiga Kulmiye. Mr. Cabdifataax Siciid wuxuu cahdigii xukuumaddii xisbigeedu burburay ee UDUB uu caan ku ahaa difaaca nidaamkii iyo siyaasaddihii xukuumaddaas, iyadoo uu eedaymo badana warbaahinta uu marin jiray xisbiyadii mucaaradka waqtigaas oo Kulmiye ka mid ahaa.

Inkastoo shaqada loo dhiibay ay tahay waxyaabaha ay Wasaaradda Qorshayntu masuulka ka tahay ama ugu xilsaaran tahay hawlaha xukuumadda iyo ta qarankaba si guud, haddana wuxuu Madaxweynuhu degreetadiisa ku xusay inuu magacaabistan sameeyay kadib markii uu arkay baahida loo qabo magacaabista xilkaas.

Qoraalka magacaabista Mr. Cabdifataax Siciid Axmed, waxay iyadoo dhamaystiran u dhignayd sidan; “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2414/042014 ku magacaabay La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:              Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Tixgeliyey:       Ahmiyadda La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah;

 

Markuu Arkay:              In baahi loo qabo magacaabidda jagadan;

 

Markuu Ka Fiirsaday:   Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

 

Markuu Ku-qancay:       In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

 

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdifataax Siciid Axmed Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Hay’adaha Caalamiga iyo Kuwa Maxaliga ah.”

Qurbejoog.com, Hargeysa

Comments are closed