|

Wasiirka Warfaafinta Oo Isku shaandheyn Ku sameeyay Waaxaha Wasaaradda

HARGEYSA 15.April 2014 (SDN)- Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa maanta isku shaandheyn ku sameeyay madaxa waaxaha iyo qeybaha kala duwan ee Wasaaradda oo dhan.

Wasiirku waxa uu ku soo kordhiyay masuuliyiinta wasaaradda Suxufiga weyn ee ruug cadaaga ah ee Xuseen Aw- Jaamac Jibriil Xagar oo dhawaan ka tagay shaqadii Weriyaha goboladda barriga ee laanta afsoomaaliga ee BBC-da, waxa kale oo  Wasiirku xubno  ka mid ah madaxda waaxaha ayuu dib ugu magacaabay xilalkii ay hayeen, halka qaar kalena uu u magacaabay meelo kale.

Sidaasna waxa uu ku sheegay Wasiirka Warfaafintu wareegto uu soo saaray oo u dhignayd sidan:-

“Anigaoo ah Wasiirka Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigelinta ee Jamuuriyada Somaliland,waxaaan halkan ku soo saarayaa iskushaadhayn Waaxaha Wasaarada aniga oo tixgalinaya ahmiyada wayn ee ay Qaranka u leedahay Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta.

Waxa waajib Qaran ah in la helo shaqaale tayo sare leh si  ay u gudato waajibaadka Qaranka ay masuulka uga tahay.

 

Sidaa daraadeed, waxaan idinla socodsiinayaa in laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 14/04/2014 aan magacaabis xilal cusub iyo dib u magacaabis  u sameeyay waaxaha Wasaarada ee hoos ku xusan:-

1.         Agaasimaha Maamulka, Maxamed Sh.  Maxamed Cawaale

2.         Agaasimaha Farsamada, Eng. Axmed Saleebaan Wayne

3.         Agaasimaha Idaacada,  Siciid Aadan Cigge

4.         Agaasimaha Qosrshaynta iyo Wacyigelinta Axmed Ismaaciil Xuseen “Cirro”

5.         Agaasimaha WaaxdaDhaqanka Cabdi Maxamed Jaamac

6.         Gudoomiyaha DAWAN Maxamed Cisman Mirre

7.         Gudoomiyaha Solna Xusseen Aadan Yuusuf

8.         Agaasime kuxigeen Farsamada C/laahi Aadan Maxamed

9.         Gudoomiye kuxigeenka Solna Yuusuf Maxamed Ismaacil

10.       Gudoomiye kuxigeenka DAWAN Cumar Maxamed Aw Faarax

11.       Madaxa Wararka TV-ga Maxamed Saciid Muxumed

12.       Madaxa shaqaalaha Mawliid Maxamed shaqale

13.       Tafatiraha Guud ee TV-ga Xuseen Jaamac Jibriil  (Xagar)

14.       KaaliyahaTIfatiraha Guud ee TV-ga Maxamed Xuseen Cali

15.       Madaxa Barmaamujyada TV-ga Xuseen C/laahi Deeqsi

16.       Madaxa Editorka IsmacIil Maxamed Cakuule

17.       Xisaabiyaha Wasaarada C/rashiid Daahir Cali

18.       Madaxa  Kaydka TV-ga AxmedJaamacFaarax

19.       Ku xigeenkaMadaxa Kaydka Axmed Aare

20.       Madax aBakhaarka (Store) Maxamed Maxamuud Burgal

21.       Kaaliyaha Bakhaarka (Store) MustafeYuusuf Ibraahim

22.       Madaxa Qorshaynta Salma C/raxmaan Sheekh

23.       Madaxa Wacyigalinta Jaamac Ismaaciil Xayd

24.       Madaxa Barmaamijyada Radio Hargeysa  Khadar Max’ed Cakuule

25.       Ku xigeenka MadaxaBarmaajyada Radio Hargeisa Faysa  Cali Xuseen

26.       Madaxa kaydka Idaacada Nimco Rooble Faarax

27.       Madaxa Online ka Safiya Cali Yuusuf

28.       Madaxa Gaadiidka Maxamed Axmed Cali “Curi”

29.       Madaxa laydhka iy oMishiinada Jaamac Axmed Faarax

30.       Madaxa Warlaliska Idaacada Cabdi Aadan Ismaaciil

31.       Madaxa Istuudyaha Idaacadda Maxamed Jaamac Cigaal (Jarmal)

32.       Madaxa Isku Xidhka istuudiyaha iyo Warlaliska MaxamedCabdi Idiris

33.       Madaxa Idaacada quraanka Maxamed Axmed Cabdilaahi “Shabeel”

34.       Madaxa Farsamada Idaacada Quraanka Maxamed Axmed Cali “M.Deeq”

35.       Madaxa Tafatiraha Englishka TV-ga Aadan Maxamed Cismaan

36.       MadaxaTafatirahaCarabiga TV-gaAxmedXasanAadan

37.       Madaxa Dukmanteriga C/qani Xasan Faarax

38.       Madaxa Baahinta Dibada TV-ga Axmed Maxamed C/raxmaan “Ugaas”

39.       Madaxa Baahinta Gudaha TV-ga Sidiiq Ismaaciil Axmed

40.       Ku-xigeenka Madaxa Barnaamijyada TV-ga C/risaaq Cismaan Maxamed

41.       Madaxa Warlaliska TV-ga Nuur Cumar Jaamac

42.       Madaxa IT-ga Wasaarada Xuseen Cali Caraale

43.       Ku- xigeenka Madaxa Satalliteka Maxamed Yuusuf Dhamac

44.       Ku xigeenka Madaxa Wararka TV-ga Cali AxmedCawaale “Canadhame”

45.       Madaxa Studio-yaha TV-ga Xasan Maxamed Jaamac “Panaroma”

46.       Ku xigeenka Madaxa Studio-yahaTv-ga Sharmaarke Maxamed Faarax

47.       Madaxa Kamaramanada (Cameraman) Axmed Xuseen Warsame

48.       Ku-xigeenka  Madaxa Wacyigalinta Nafiisa Maxamed Xuseen

49.       Madaxa Monitoringka TV-ga Axmed Saxardiid Xirsi

Waxaan idiin rajaynayaa in aad si xilkasnimo leh uga soo bixi doontaan howsha la idiin igmaday.

Sidaa iyo wada shaqayn wacan. Allaa Mahad Leh”

 

Hargaysa SDN.

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed