|

Xilka Qaadis lagu Sameeyay Afhayeenkii Booliska Somalia

Muqdisho 15.April 2014 (SDN)- Taliska ciidanka booliska Soomaaliya ayaa maanta xil ka qaadis ku sameeyay afhayeenkii ciidanka booliska Jeneraal Maxamed Cumar Madaale.

Madaale-300x225Wareegto ka soo baxday xafiiska taliska booliska Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday afhayeenkii hore, waxaana xilkaas loo magacaabay gaashaanle dhexe Cabdiqaasim Axmed Rooble.

Dhowaan ayaa lagu wadaa in shaqada u la wareego afhayeenka cusub ee ciidanka booliska.

Wareegtada waxaa ku Saxeexnaa taliyaha ciidanka booliska Soomnaaliya Jeneraal Cabdixakiim Daahir Saciid.

Muqdisho SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed