Maxkamad Ku Taalla Hindia Oo Soo Saartay Jinsi saddexaad oo Ka Baxsan Labka Iyo Dheddigga
Lahor:15-April-2014(SDN)-Maxkamad ku Taalla Dalka Hindiya ayaa soo Saartay in la hirgeliyo Sharci cusub oo lagu abuurayo Jinsi saddexaad oo ka Baxsan Labada jinsi ee Ragga iyo dumarka ee La yaqaano.
Maxkammmadan oo ah midda ugu sarraysa dalka Hindia, ayaa Maanta si Rasmi ah u Ogolaatay in dadkaasi haatan laga Bilaabo noqonayaan Jinsi saddexaad oo dalkaasi laga yaqaano, isla-markaana leh xaq iyo xuquuq la siman midda dadka kale ee Caadiga ahi hore u lahaayeen.
Maxkamaddan ayaa hore u soo saartay sharci ay ku diidayso inay dadka isku jinsiga ahi is guursadaan, taas oo ka xanaajisay dad badan oo dalkaasi ku nool, halka ay soo dhaweeyeen dadka kale oo tiro badani.
Go’aankan ay maanta ku dhawaaqday Maxkamaddani, ayaa ah mid ay dadka labeebka ahi si weyn ugu faraxsan yihiin, iyadoo ay maxkamaddu arrintan u cuskatay inay dhib badani soo gaadhay dadkan, isla-markaana ay Haatan wixii ka dambeeya yihiin jisni saddexaad oo ka baxsan Ragga iyo Dumarka, kuwaas oo noqon doono Jinsiga Labeebka.
Maxkamaddan ayaa noqonaysa middii ugu horraysay Caalamka ee Go’aan Noocan oo kale soo Saarto, iyadoo aanay hore u jirin cid aqoonsan jinsi saddexaad oo Dadka ka mid ahi.
S.D.N