Ra’isal Wasaaraha Somalia Oo La Sheegayo Inuu Galkacyo u Baqooli Doono
Gaalkacyo:15-April-2014 (SDN)-Sida ay sheegayaan Warar Hoose oo aanu Helaynaa, Ra’isal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh ayaa Qorshaynayaa inuu Toddobaadkan Booqasho gaaban ku Gaadho Magaalada Galkacy ee Xarunta u ah Maamulka Galdumug.
Ra’isal wasaaraha ayaa la sheegayaa inuu Halkaas kulamo kula yeesho Madaxweynahha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas oo isaguna Halkas wali ku sugan, iyagoo Arrimo badan iska waraysan soona.
Tegitaanka Ra’isal wasaaraha ee Magaalada Galkacyo ayaa ah mid aan la shaacin oo qarsoodi ah, waxase u jeeddadeeda rasmiga ah lagu sheegay sidii looga midho dhalin lahaa Baaqii maamulka Puntland ka soo baxay ee ay ku sheegeen inay wada shaqayn joogto ah l yeelan doonaan Dawladda Federalka Somalia.
Golaha Wasiirada ee Puntland ayaa dhowaan iska magacaabey guddi ka qayb gala wadahadalka lala galayo dowlada Federaalka balse lama shaacin magacyada xubnahaas.
Warar aan la shaacin ayaa xusaya in Madaxweynaha Puntland uu godoomiye uga dhigey gudiga wadahadalka la galaya xubnaha dowlada Federaalka ah Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji oo iminka ku weheliya safarka Galkacayo.
Waxaa horey u go’naa xidhiidhka u dhexeeya dowlada Federaalka ah ee Somalia iyo Puntland kadib markii xukuumadii Faroole ku eedysay dowlada Xasan Shiikh iney faragalin xoogan ku sameysay dastuurka Federaalka.
Sidoo kale waxa la filayaa inuu Ra’isal Wasaare Cabdiwali Madaxweynaha Puntland kala Hadlo Dilkii dhawaan Galkacyo loogu geystay Labadii sarkaal ee u shaqaynayey Hay’adda Qaramada Midoobay oo wajigabax ku keentay Maamulkaas, gaar ahaan Amnigiisa.
S.D.N
Contact@somalidiasporanews.com