|

Faahfaahinta Qaraxyo Xalay ka Dhacay Muqdisho Oo Dhimasho iyo Dhaawac Keenay

Muqdisho:15-April-2014 (SDN)-Waxa Habeenkii Xalay  ay Qaraxyo Xooggani ka dhaceen Goobo ku Yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaas oo Keenay Dhimasho iyo dhaawac.

bidhQaraxyada dhacay ayaa ahaa Laba, iyadoo Lala Badhtilmaameedsaday Baallayaasha amaba Laydhadhka itiinka Badan ee Qorraxda ku shaqeeya, kuwaas oo ku yaallay Degmada Hoddan, waxana Guud ahaanba Baaba’ay Iftiimiyihii Halkaasi K Yaallay.

Sida ay sheegayaan dad Gooj-joogayaal ahi, waxa Qaraxaas ku Dhintay laba qof oo Halkaas ka ag dhawaa, iyadoo ay sidoo kale dhaawacmeen Haweeno Goobo ku dhaw caano ku Iibinayey.

Ciidanka Ammaanka ay markii dambe soo Gaadhay goobtii qaraxu ka dhacay, waxana ay Baadhitaano ka bilaabeen xaafadda Hodan ee qaraxu ka dhacay.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay in Baallayaasha ku shaqeeya ileyska qoraxda la burburiyo, iyadoo  bilicdii caasimadda Muqdisho ay sanadooyinkii dambe dib u soo noolaatay, kadib markii waddooyinka magaalada lagu wada xidhay baallooyinka ku shaqeeya cadceedda (Solar-ka).

Sababta loo Beegsanayo Baallayaasha amaba agabkan iftiinka keenaya, ayaa lagu sheegayaa in Kooxaha Amnidarrada waddaa ay diidan yihiin in wax la arko oo ay doonayaan Goobo madow ah oo wax ku qarxiyaan.

S.D.N

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed