|

Maamulka Jaamacadda Hargaysa oo iska Fogeeyay Eedaha loogu jeedinayo inay Fee-gii Ardayda laga qaadi jiray ay kordhiyeen

14,Apr.2014(SDN/QJ)-Maamaulka sare ee Jaamacadda Hargaysa,ayaa sheegay inaanay jirin wax lacag oo ay kordhiyeen.iyaga oo intaas ku daray inay lacagtan haatan laga qaylinayaa tahay tii bilawgii Semistar-ka ayaa ahady inay ardaydu bixiyaan.waxaana sidaa lagu sheegay Warsaxaafadeed uu soo saaray Maamulka Jaamacadu oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Shabakadda Caalamiga ah ee Somalidiasporanews.com.waxaana uu u dhignaa sida tan:

“War saxaafadeed:Maamulka Jaamacada Hargeysa waxa uu la socodsiinaya dhammaan ardayada Labbaad, waalidkoodaba iyo bulshadaba:In lacagtii la kordhiyey bilawgii Semesterkan aan wax isbedel ahi ku iman ayna tahay sidan hoos ku qoran:

shax

 

In maamulka Jaamacaddu si weyn ugu mahad celinayo madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland iyo wasarada waxbarashad aiyo tacliinta sarre, talaabadoodii deeqsinimada lahayd ee ay ardaydaasi kaga bixiyeen intii lagu kordhiyey Semesterkii Dhamaaday.

. In ay ardaydu Bixiyaan Fii-ga oo dhammaystiran.

Fee-ga la kordhiyey waxa uu wax ka tari doonaa haddii alla yidhaa

1.in ay Jaamacaddu si hagar la’aan ah u bixin karto kharashaadka shaqo-maalmeedka, iyo mushaharooyinka shaqaalaha (Mamul iyo Macalinba), soo jiidato dadka aqoonta leh.

2. In la tayeeyo adeegyada ardayga logu tallo  sida :kalaasyo ku filan, kuraasi munaasib ah, library, lababka Science, Cumputerada, Projectorada, iyo garoomada Ciyaaraha

3. in ay kor u qaaddo daryeelka shaqaalaha, kobcinta xirfaddooda,  iyo dayctirka dhismayaasha iyo qalabka jaamacadda.

4. in jaamacaddu ka baxdo dakhliga ka hooseeya Kharashka (Deficit)

5. in kor loo qaaddo bilicda guud ee jaamacadda sida: dhiraynta, waddeynta, iyo sameynta goobaha nasashada.”

Allaha Mahad leh.

Prof. Cadbisalam Yasiin Maxamed.

Guddomiye ku-xigeenka Akademiga iyo Ardayda

SDN-QJ-Hargaysa

Contact@Qurbejoog.com

 

 

Comments are closed