|

Dawladda Kenya Oo Ku Dhawaaqady Qorshe ay ku Hubaynayso Ciidankeeda Booliska Si Looga Hortago Qalalaasaha Jira

Nairobi:14-April-2014(SDN)-Xukuumadda waddanka Kenya, ayaa markii ugu horraysay ku dhawaaqday Qorshe ay 10,000  oo ciidanka Booliska ka Tirsan ugu tababarayso Ka Hortagga kooxaha Rabshadaha ka wada Dalkeeda.

ruutoMadaxweyne ku xigeenka dalkaasi Kenya William Ruto ayaa ku dhawaaqay Axadii Shalay in dowladiisa ay dhiseyso ciidamada booliska dalkaasi, iyadoo tababar la siinayo saraakiil kale oo booliska ah, si ay ka qeyb qaataan la dagaalanka  Kooxaha jiifka u diiday.

 

“Lama wada hadleyno argagixisada mana jiro dhul naga dhaxeeyo xiligan, waxaa waajib nagu ah inaan la dagaalano dadkaasi”sidaasi waxa yidhi madaxweyne ku xigeenka Kenya xili uu ku sugnaa deegaanka Nandi oo ka tirsan waqooyi bari dalkaasi.

 

Dowlada ayaa ku dhawaaqday inay la dagaalameyso dadka caqabada ku ah amaanka dalka Kenya, iyadoo kaashanayso wadamada caalamka, si loo xaqiijiyo amaanka dalkaasi.

 

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in marnabada aysan suurto gal aheyn inay la hadlaan argagixisada, laakiin wuxuu sheegay in ciidamada booliska ay heli doonaan hub casri ah iyo rababaro dheeraad ah.

 

Todobaadyadii ugu dambeyay magaalooyinka dhanka xeebaha dalka Kenya waxaa ka dhacayay falal lidi ku ah amaanka dalka Kenya, waxaana taasi ay keentay in howgalo Soomaalida saameeyay ay sameeyaan ciidamada Kenya.

 

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed