Dhimasho iyo Dhaawac Xalay Muqdisho Loogu Geystay Saraakiil Ka Kala Tirsan Madaxtooyada iyo Nabad-sugidda Somalia
Muqdisho:14-April-2014 (SDN)-Waxa habeenkii xalay Magaalada Muqdisho, gaar ahaan Degmada Kaaraan lagu Toogtay Laba Sarkaal oo ka Kala tirsanaa Madaxtooyada iyo nabad-sugidda Somalia.
Toogashadan ayaa la sheegayaa in labada sarkaal ee loo geystay midkood dhintay, halka mid kalena dhaawac soo gaadhay.
Saraakiishan La weerary, ayaa lagu sheegay magacyadooda Axmed Sheekh oo isagu dhintay iyo Cabdiraxmaan Gadhweyne uu isaguna Dhaawac culus ah sida uu saxaafadda u sheegay Guddoomiyaha Degmada Kaaraan.
Ilaa iyo hadda lama oga sababta ka dambeysay Toogashada saraakiishaas ka tirsan hay’adda nabad sugidda qaranka Soomaaliyeed, mana jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkooda, waxana uu Guddoomiyaha Kaaraan sheegay inay Soo Qabqabteen Laba Qof oo ay Tuhunsan yihiin.
Goobta dilka uu ka dhacay oo ay durba soo gaadheen ciidamada nabad sugidda ayaa billaabay baadhitaanno ku aadan ciddii ka dambeysay Toogashada labadaasi sarkaal.
Warar kale oo aanu Helayno ayaa sheegaya in Sarkaalka la dilay uu ka Tirsanaa Madaxtooyada Somalia, Halka midka Dhintayna uu ka tirsanaa Hay’adda Nabadsugida Somalia.
S.D.N