|

Dagaal Dhimasho iyo Dhaawac Keenay Oo Ciidamada Ethiopia iyo Shabaabka Ku Dhex Maray Deegaano Ka Tirsan Gobolka Bakool

Buurdhuxulle:14-April-2014(SDN)-Wararka laga Helayo Deegaanka Buurdhuxule ee Gobolka Bakool, ayaa sheegay inuu Halkaas Fiidkii hore ee Xalay Ciidanka Ethiopia iyo kooxaha Al-shabaab ku dhex maray Dagaal muddo socfay oo khasaare geystay.

shidoSida ay sheegayaan goob-joogayaal halkaas ku sugani, waxa dhintay  ilaa iyo 15-qof oo ka mid  ah Garabyadii dagaalamayey, halka ay tiro intaa ka badanina dhaawacyo soo gaadheen.

Ciidamo ka kala tirsanaa Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Ururka Al Shabaab, ayaa la sheegayaa inay Dagaalka qaadeen markii, iyadoo kooxaha Shabaabkuna si weyn ugu jilib dhigeen Weerarkaas, kaas oo markii dambe keenay inay khasaaruhu ballaadho.

Dagaalkani intii uu socday waxa Halkaas lagu arkay diyaarado Joog hoose ku duulayo oo  ciidanka Ethiopia leeyihiin, kuwaas oo qayb ka ahaa weerarka lagu waday kooxda Shabaabka ee halkaas ku sugnayd.

Muddooyinkii ugu dambeeyey, waxa ay ciidamada Huwanta ah ee Gobolka Bakool ku duulay wadeen hawlgallo ay Goobaha ay Shabaabku joogaan ku weerarayaan, iyagoo inta badan la Kulmayey iska caabin weyn oo khasaare keenaysay.

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed