Tiradii ugu Badnayd ee Ka Tirsan Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Oo Soo Saaray War-saxaafadeed ay Dibadda KU Dhigeen Caddaalad-darro ku Dhex Huursan Wasaaradda
Hargeysa:14-April-2014(SDN)-Cadaadiskii iyo Caddaalad Darradii ay qabeen shaqaalaha wasaaradda Warfaafinta Somaliland, ayaa ugu dambayntii Oodda jabsatay, waxana dhibka ay qabaan caddeeyey tiro badan oo shaqaalaha ka mid ah.
20-ka mid aha shaqaalaha wasaaradda warfaafinta iyo wacyigelinta Somaliland, ayaa maalinti shalay soo saaray Warsaxaafadeed ay kaga soo horjeedaan nidaamka ay masuuliyiinta wasaaraddaas ula dhaqmaan iyo hannaanka ay maamulka u wadaan Hadda.
Qoraal dheer oo ay 20-ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda oo ka mid ah Haldoorkoodu ku saxeexan yihiin oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Qurbejoog.com, ayaa lagu sheegay inay Caddaalad darrada Haysataa Dhaaftay heer ay sii qariyaan oo aamusaan.
Warsaxaafadeedkan, ayaa u qornaa sidatan”
“Annagoo ah shaqaalaha Idaacadda Radio Hargeysa, muddo badanna ka soo shaqaynaynay, ahna Shaqaalihii Imtixaankii shaqaalaha aannu u soo galnay Wasaaradda, isla markaana ka tirsan Shaqaalaha Barmalka ah ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.
Waxaannu maanta ka cabanaynaa Xuquuqdayadii aannu xaqa u lahayn oo aannaan illaa hadda helin, caddaalad-darro iyo sinaan la’aan shaqaalaha Wasaaradda dhexdiisa ah, oo ay ka mid yihiin: Shaqaale isku giraydh ah (isku derajyo) ah oo haddana kala mushahar badan.
Ardaydii ka soo baxday sannadkan Jaamacadaha dalka ee ka tirsanaa shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta oo qaarkood la dallacsiiyey.
Waxaa cabashadayadan keenay, ka dib markii uu fashilmay, shaqaaluhuna ku hungoobay ballan-qaad Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) shaqaalaha u sameeyey dabayaaqada sannadkii dhammaaday ee 2013-kii, kaasoo uu ku sheegay inaanay jiri doonin sannadka 2014-ka shaqaale isku-giraydh ah oo haddana kala mushahar badan, isla markaana ay heli doonaan wixii ay xaq u leeyihiin.
Sidoo kale, waxa na kallifay ballan-qaadkii uu shaqaale ahaan noo sameeyey Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Cabdirashiid Jibriil Yuusuf oo noo sheegay inay sinnaan iyo caddaalad noo samaynayaan, wixii aannu xaq u leenahayna na siin doono, hase-yeeshee, taasina meesha way ka baxday. Waxaanannu qabnaa oo aannu ka cabanaynaa dulmi badan oo aan marna shaqaale ahaan waxba aanay Masuuliyiinta isu beddelayay Wasaaradda Warfaafintu waxba nooga qaban.
Waxaannu u soo jeedinaynaa Masuuliyiinta cabashadayadu khusayso inay wax ka qabtaan tacaddiga, caddaalad-darrada iyo sinnaan la’aanta hadheeyey Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Somaliland.”
1- Idil Maxamed Saleebaan
2- Yaasiim Muuse Xasan
3- Nuura Maxamed Nuur
4- Saynab Maxamed Cabdi
5- Aamina Xasan Cawaale
6- Cabdiwali Saxardiid Xirsi
7- Mubaarik Cabdi Yuusuf
8- Sakariye Axmed Muxumed
9- Cabdiraxmaan Axmed Ibraahin (Bataash)
10- Cabdicasiis Caydiid Cilmi (Yamani)
11- Deeqa Cali Saalax
12- Maxamed Cabdillaahi Cali (Soomaali)
13- Maxamed Saleebaan Muxumed (Gaabane)
14- Nimco Cabdiwahaab Shirdoon
15- Xasan Cali Carraale
16- Xayaad Cali Cumar
17- Ismaaciil Xasan Siciid
18- Cabdirisaaq Xasan Maxamed
19- Salma Cabdillaahi Khadar
20- Cabdillaahi Yuusuf Axmed.
S.D.N