|

Wasaarada Duulista oo Si adag uga Jawaabtay War Sheegaya in Wasiirka Duulistu ku eedeeyay beesha degta Konfurta hargaysa inay Baloodhaysanayaan Madaarka

Hargaysa 13.April 2014 (SDN)- Wassaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland   waxay ay si adag u beeninaysaa war Been abuur ah oo uu maanta qoray wargeysa Ogaal “  Wasiirka Duulista oo ku Eedeeyey beesha degta Koonfurta Hargeysa inay Doonayso Sidii ay Baloodho uga dhigan Lahaayeen Madaarka Hargeysa .”

Sadaam Maxamed AxmedWarsaxaafadeedkan oo uu ku saxeexnaa Afhayeenka Wasaarada Duulista ee Somaliland Sadaam Maxamed Axmed ayaa Tilmaamay in . Wargeysku uu warkiisa ku daray hadal uu sheegay inuu yidhi Wasiirka Duulista, kaas oo qoraalkiisa ku xusay inuu ka soo xigtay Warbaahinta dawladda.

Warsaxaafadeedku waxa uu yidhi wasaaradda  Duulista Iyo Hawaddu waxay  halkan ku cadaynaysaa in warkaasi uu yahay mid aan sal iyo raadtoona lahayn, isla markaasina aanay jirin goob Wasiirka Duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi uu eedo ugu jeediyey dadka degan deegaanka Koofurta Hargeysa.

Warsaxaafadeedka Wasaarada Duulista ayaa intaas ku daray Warkaasi been abuurka ah oo looga dan lahaa in fidno iyo xumaan lagu dhex dhigo Wasaaradda duulista iyo dadka deegaanka Koonfurta Hargeysa oo wada shaqayn aad u weyni ay ka dhaxayso, wada shaqayntaasna oo ay hormood ka yihiin guddida deegaanka iyo Suldaanka Guud. waxaanu ka xunhay in Wargeysa madax banaan ee Ogaal uu been abuur noocaas oo kale ah umadda u baahiyo.

Gaba gabadii Warsaxaafadeedkan Wasaarada Duulista ayaa lagu yidhi “Waxaanu wargeysa Ogaal uga fadhinaa inuu raali galin buuxda ka bixiyo warkaasi been abuurka ah ee u qoray, hadii ay taasi ku guul daraystana waxa aanu qaadi doonaa talaabo dhinaca sharciga ah, anag oo dacwad ka dhan ah ka furan doona Maxkamada ay khusayso arintani.”.

Hargaysa SDN.

Contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed