“Waxaa Gacanta lagu Dhigay 45 Ruux oo Rabshada Waday” Gudoomiyaha Gobolka Maroodijeex {DHAGAYSO}
Hargaysa 13.April 2014 (SDN)- Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Maxamed Maxamuud Jeeniyare, Ayaa maanta ka Cadeeyay inay Ciidamada amaanku maanta qabqabteen ku dhawaad 45 dhallinyaro ah oo Maanta Magaalada Hargaysa ka sameeeyay Mudaharaad..
Gudoomiyaha Gobolka Maroodi jeex Waxa uu Sheegay in dhallinyaradan la Xidhay ay ahaayeen kuwii Rabshada dhaliyay Isla markaana ka dhego adaygay Ciidamada amaanka ee Nabadgalyada Sugayay.
Maxamed Maxamuud Jeeniyare waxa uu ku guubaabiyay Shacabka Caasimadu inay Nabadgalyada dalka qaybtooda ka qaataan isagoo u soo Jeediyay ardayda Jaamacada Hargaysa in Tabashada ay Tirsanayaan ay u Gudbiyaan Wasaarada Waxbarashada.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKA GUDOOMIYAHA GOBOLKA
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/Jeeniyare13(1).mp3″]
Hargaysa SDN.
Contact@Qurbejoog.com