|

Ra’isal Wasaaraha Dawlada Somalia oo Soo Kormeeray Xarumaha Dawlada ee Kismaayo

Kismaayo 13.April 2014 (SDN)-Raysul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta booqday xarumo kala duwan oo ku yaalla magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Axmed-Madoobe-iyo-Cabdiweli-Sheekh-300x225Bangiga, xarunta caymiska, dekedda, isbitaalka iyo goobaha waxbarashada ee degmada qaarkood ayuu booqday raysul wasaaraha.

Cabdiwali Sheekh Axmed  ayaa warbixinno ka dhageystay mas’uuliyiinta maamulka KMG ah ee Jubba iyo kuwa xarumaha uu booqday maanta.

Raysul wasaaraha ayaa sheegay in dowladda federalka ah ee Soomaaliya ay wax ka qabanayso howl-galinta adeegyada bulshada iyo gargaar la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan magaalada Kismaayo.

Cabdiweli Sheekh ayaa maalintii labaad ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, isagoo dhawaan booqday magaalooyinka Jowhar iyo Buulo-burte oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Hiiraan.

Kismaayo SDN.

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed