“Ardayda Jaamacada Hargaysa iyaga ayaa ka baxay Heshiiskii aanu Wada Gaadhnay” Wasiirka Waxbarashada {DHAGAYSO}
Hargaysa 13.April 2014 (SDN)- Wasiirka Wasaarada Waxbarashada ee Somaliland Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa maanta ka hadashay Cabasho ay ka Muujiyeen Ardayda Wax ka barata Jaamacada Hargaysa Korodh lagu sameeyay Kharashka ardayda ay wax ku bartaan.
Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Marwo Sam Sam Cabdi Aadan Waxay Sheegtay inay soo dhex gashay kadib markii ay ardayda Wax ka barata Jaamacada Hargaysa ay ka cawdeen in iyagoo Imtixaan u fadhiya lagu kordhiyay Fee-gii ama Kharashkii laga qaadi Jiray,Waxaanay Xustay inay ku heshiiyeen Iyaga iyo ardaydu inay Bixiyaan Kharashka Feega ee la Kordhiyay Simisterkan lagu Gudo Jiro Iyadoo intaas ku dartay inay Bixiyeen Shan iyo Konton Kun oo dollar oo ay kaga qayb qaadanayeen Xalinta Cabashada Hadhi Weyday ee Jaamacada Hargaysa.
Wasiirka Waxbarashada ee Somaliland Waxaa kale oo ay ka hadashay Banaan baxa ay maanta sameeyeen ardayda wax ka barata Jaamacada hargaysa oo ay ku sheegtay Mid ay ku Khaldanaayeen marka la eego heshiiskii ay wada galeen.
Agaasimaha Guud ee Tacliinta Sare ee Wasaarada Waxbarashada Khadar Axmed Cali ayaa Sheegay in Jaamacada Hargaysa ay Tahay ta ugu Kharashka yar marka la eego jaamacadaha kale ee dalka Waxaanu ka hadlay Qiimaha ay ardaydu ku bartaan Kuliyadaha kala duwan ee Jaamacada Hargaysa.
GUJI HALKAN OO MOBILKAAGA KA DHAGAYSO HADALKII WASIIRKA WAXBARASHADA IYO AGAASIMAHA GUUD
[peckplayer id=”1″ sound=”http://www.qurbejoog.com/waraysiyo/banaanbaxa13.mp3″]
Hargaysa SDN.