|

Mudaharaad ay Sameeyeen Ardayda Jaamacada Hargaysa oo Qaybo ka Mid ah Magaalada kala Xidhay iyo Arday Xabsiyada lagu guray

Hargaysa 13.April 2014 (SDN)-Ciidamadda Booliiska Somaliland ayaa Ardaydii saaka Mudaharaadka samaysay ku xidh xidhay Saldhigyada Magaladda Hargeysa, iyaga oo ka hor intii aan la kala qaybin isugu soo ururiyey xarunta wershadii Laydhka ee bakhtiday oo ay ka dhigteen saldhig ku meel gaadh ah.

ARDAYDA MUDAHARAADAYTaliyaha Hawl-gelinta Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa markii Ardayda lagu soo ururiyey xarunta wakaaladda Korontada Hargeysa ku amray Askartii hawl-galka ku fulisay Ardayda in ay u qaybiyaan saldhigyada Hargeysa oo ay ku xidhaan.

Ciidanka Booliiska Somaliland ayaa Ardayda Jaamacadda Hargeysa ee xabsiga lagu guray si arxandaro ah u garaacay iyagoo Rasaas iyo qoryaha badhkooda danbe u adeegsaday, kuwaas oo Ardayda gaadhsiiyey dhaawacyo kala duwan.

Rasaasta Booliisku u adeegsadeen Ardayda Jaamacadda Hargeysa ayaa daafaha Hargeysa laga maqlayey, taasoo dad badan sas ku riday waxaanay wadada isku xidha Jaamacadda Hargeysa iyo Biriishka labaad isu rogtay goob aad moodo in Ciidamo isku galeen.

Ardayda la xidh xidhay ayaa cabasho ka muujinayey lacagta Fee-ga ee laga qaado, waxaanay doonayeen in ay Cabasho la hor tagaan Wasaaradda Waxbarashada balse Ciidamadda kala duwan ee Booliiska ayaa gacan ka hadal iyo rasaas kala hor tagay si aanay fursad ugu helin in ay gaadhaan Wasaaradda Waxbarashada.

Wasiirka waxbarashada oo awal dhex tagi jirtay Ardayda marka ay Mudaharaad noocan oo kale ah sameeyaan ayaa saaka ka muquuratay waxaanay isku fasaxday Booliiska iyo Ardayda.

Diif iyo daal badan oo cadho weheliso ayaa ka muuqatay wajiyada Ardayda markii weerarka lagu qaaday, waxaanay u muuqdeen kuwo ku hal-adag dhibta lagu samaynayey oo aan ahayn mid u baahnayd in Ciidan iyo Rasaas Nool midkoodna loo adeegsado.

Hargaysa SDN.

Comments are closed