WAR DEGDEG AH: Ardayda Jaamacadda Hargeysa Oo Mudaharaad Ku Kala Xidhay Waddooyin Halbawle ah, Booliska oo Rasaas Nool u Adeegdaday iyo Xaaladda OO Cakiran
Hargeysa:14:13-April-2014(SDN)-Ardayda Jaamacadda Hargeysa, ayaa Gadood ka Sameeyey Lacago uu ku Kordhiyey Maamulkoodu, waxana ay Saaka u dareereen Mudaharaad Ballaadhan oo ay ku kala Xidheen isu socodkii Magaalada.
Cutubyo ka Tirsan Arday Jaamacadda Oo Wata boodhadh ay ku xardhan yihiin sida ay uga soo Horjeedaan lacago lagu kordhiyey, ayaa u soo dhaqaaqay dhinacaas iyo wasaaradda waxbarashada, waxase markii ay marayeen Waddada biriishka cali dhooqo ee aagga Huteel Xaraf is hor taagay ciidamo boolis ah oo aad u hubaysan, kuwaas oo u adeegsaday Rasaas nool nool, inkastoo aanu wali jirin wax dhaawac yo ah oo ay rasaastaasi geysatay.
Ciidanka oo uu hoggaaminayo Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska somaliland Cabdilaahi Fadal Iimaan, ayaa isku dayaya inay ardayda ku qanciyaan inay Xiisadahooda dib ugu noqdaan, iyadoo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sarena ka muquuratay inay Ardayda hor tagto.
Muddo haatan laba saacadood ku dhaw waxa xidhan Waddada Halbawlaha ah ee isu xidha Magaalada dhinacyadeeda Koonfurta iyo Waqooyiga, waxana ay ardaydaasi Haatan fadhiyaaan Biriishka dhexdisa iyagoo Boqolaal ah.
Lacagta lagu Kordhiyey Ardayda ayaa tiradeeda ay ku sheegeen $45-semesterkii, waxana taas aad uga gadooday Ardayda oo Go’aansday inay ka Mudaharaadaan.
Ciidanka Booliska ayaa marba marka ka dambaysa soo kordhaya, waxana ay cidanku ridayaan Rasaas Nool, iyado uu taliyuhuna hor taagan yahay.
Wixii warar ah ee Arrintan ka so kordha kala soco qurbejoog.com
S.D.N