|

Xiisadda Bariga Ukraine oo Cakiran iyo Maraykanka oo Hanjabaad diray

13,Apr.2014(SDN/QJ)-Xaaladda cakiran ee haatan ka taagan dalka Ukraine ayaa waxay kala irdhaysay Xidhiidhkii Diblumaasiyadeed ee ka dhexeeyay wadamadda Ruushaka iyo Reer Galbeedka.waxaanqa soo baxaya hanjabaadyo kala gadisan oo iska soo daba-dhacaya oo mid kastaa uu  dhinaciisa sheegaynayo inuu sharciyadda ku taaganyahay. Taalabdii ugu danbaysay ayaa ahayd ka dib markii Wasiirka Arimaha Dibadda ee Markaynku uu u diray Fariin cad oo ku socoto dhigiisa Raashiya,taas oo ku saabsan inay raashiya la kulmi doonto Cunaqabatayn Hor leh hadii aanay si deg deg ah aanay u joojin Qalaasaha ay ka waddo Barriga Ukraine. Waxaana haatan ka dilaacay Bariga dalkaasi iska hor-imaadyo u dhaxeeya Dadka gooni-u goosadka ah iyo Ciidamada dalkaasi Ukraine. Afhayeen u hadlay Wasaaradda ari aha dibadda ee Maraykanka ayaa daboolka ka qaaday inuu Kerry uu si aad ah uga calool xunyahay waxa haatan ka soconaya bariga dalkaasi Ukraine,isaga oo ku tilmaamay inay tahay Kutumasho lagu tumanayo Madaxbanaanidii Dalka Ukraine. SDN/QJ-Washington. Contact@Qurbejoog.com

Comments are closed