Hay’adda Xuquuqda Qaxootiga U Doodda ee UNHCR Oo Reer Yurub Ka Dalbatay In Talyaaniga Laga Caawiyo Soo Gelaytiga Xad Ka Sii Baxaya
Geneva:13-April-2014(SDN)-Hayada qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa shalay soo saartay warbixin ay kaga hadleyso Tirada Qaxootiga sii badanaysa ee Soo Gelaysa Dalka Talyaaniga, kuwaas oo ka imanaya Dalka Libya.
Hay’ada ayaa sheegtay in ku dhawaad 6.000 oo qaxooti ah oo badankood ka tagay dalalka Soomaaliya, Syria iyo Eritrea ay soo badbaadiyeen afartii maalmood ee lasoo dhaafay ciidamada badda dalka Talyaaniga, iyadoo wali ay sii socdaan Soo Gelitaanka Yurub ku soo socdaa.
UNHCR ayaa sheegtay in kumanaan qaxooti ah ay gaadheen xeebaha dalka talyaaniga, iyadoo kasoo dhaqaaqaaqay dalka Libya, kuwaas oo doonaya inay galaan dalalka qaarada Yurub.
UNCHR ayaa ka dalbatay wadamada Yurub in Talyaaniga laga taageero adeegyada ay u baahan tahay, maadaama ay gaadhayaan dalkaasi qaxooti badan kuwaasi oo magan galyo doon ah.
Melissa Fleming, afhayeenka UNHCR ayaa sheegtay in ciidamada badda Talyaaniga ay badbaadiyeen dad badan oo saarnaa doomo ay buux dhaafiyeen kuwaaso oo badda Mediterranean-ka marayay.
Waxaa sidoo kale jirta baqdin laga qabo inay sii kordhaan dadka ka dhaqaaqaya dalka libya ee doonaya inay gaadhaan wadamada Yurub, taas oo culays badan ku ah Dawladda Dalka Talyaaniga.
S.D.N
Contact@qurbejoog.com