Kooxda Al-shabaab Oo Hub Ka Furatay Ciidamada Ehiopia ee Somalia Ku Sugan
Dhuusa-Mareeb:13-April-2014 (SDN)-Madaxa Kooxda Al-shabaab u Qaabilsan gobolka Galgaduud Sheekh Xassan Yacquub Cali, ayaa sheegay in Hubka Ciidamada AMISOM ee Somalia ku sugani uu si Tartiib-tariib ah ugu wareegayo Gamcaha uruka Al-shabaab.
Waxa uu shaaca ka qaaday in hubka Golaha Amaanka ay ku soo qalabeeyeen Ciidamada Ethiopia uu ku dhamaanayo gacanta dagaalyahanada Al-shabaab, isagoo balan qaaday inay sii wadi doonaan beegsiga Ciidamada Ethiopia oo ay il gaar ah ku Eegaan.
Gudoomiyaha Al-shabaab ugu magacaaban Galguduud wuxuu carrabka ku adkeeyay in Banki-moon Ninka ugu sareeya Q.Midoobe uu ku khasaaray hubeynta Ciidamada Itoobiya maadaama hubka qeyb kamid ah uu gacanta ugalay xaraka Al Shabaab,sida uu sheegay.
“Hubkii gaaladu ugu talagashay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed maanta mujaahidiinta ayuu gacanta ugalay mujaahidiinta,Banki-Moon ha ogaado in hubkii Addis Ababa laga keenay uu gacanta mujaahidiinta kujiro”ayuu yidhi Sheekh Xassan Yacquub.
Hubkan ayuu sheegay Sheekh Xasan Yacquub Cali inay ku soo furteen dagaal maalmihii u danbeeyay ka dhacayay deegaano hoostaga Wabxo iyo Ceelbuur ee ka tirsan Galgaduud.
Ciidamada Kooxda Al-shabaab ayaa inta Badan Soo bandhiga Hub ay ka furteen Ciidamda Somalia iyo waliba maydad ka tirsan AMISOM oo ay muddooyinkii ugu dambeyey kula jireen Dagaal qadhaadh.
S.D.N
Contact@qurbejoog.com