|

Maxay Shacabka Reer Hargeysa Ku Macneeyeen Kasoo Bixitaankii Madaxweyne Siilaanyo Ee Xarunta Madaxtooyada Xalay?

Hargeysa:13-April-2014(SDN)-Bixitaankii Kediska ahaa ee uu xalay madaxweyne Siilaanyo ku soo maray Goobo kooban oo Caasimadda ka mid ah, ayey shacabku siyaabo kala duwan uga faalloodeen isla xalay-ba.

JYGoobaha lagu shaaheeyo ee Bulshadu iskugu timaaddo,  ayaa habeenkii xalay si weyn looga hadal hayey Booqashada gaaban ee Madaxweyne Siilaanyo qasrigiisa dibadda ugu baxay, waxana lagu sheegay socod u jeeddooyin kala duwan xambaarsanaa.

Dadka qaarkood, ayaa iyagu ku sheegay socdaalkan Gaaban ee Madaxweynaha mid uu Caalamka ku tusayey inay Somaliland tahay Goob Nabaddu Biyo Dhigtay oo xataa madaxdeedu xilligii ay doonto ay socon karaan iyagoo aan wax ilaalo ah waddanin, isagoo farriin cad oo Nabadgelyo sheegaysa dirayey.

Tiro Kale oo dadkaas Doodayey xalay ka mid ahaa, ayaa iyagu ku sheegay booqashada  Madaxweyne Siilaanyo mid uu Bulshada ku illowsiinayey ka Hadalka Arrimaha cakiran ee Xisbigiisa Kulmiye, kuwaas oo muddooyinkii ugu dambeeyey Dhammaan Gobolada iyo dalka Somaliland si weyn looga Hadal Hayey qabsoomid La’aanta Haysata Shirweynaha xisbiga oo Haatan ku muransan Tiradii Ergooyinka.

Dad kale oo ka mid ah kuwa Falanqeeya arrimaha noocan oo kale ah, ayaa iyagu ku sheegay inuu Madaxweyne Siilaanyo ku muujiyey Habeen-socodkiisan inuu leeyahay Geesinimo uu doonayo inuu mar kale Musharaxnimada Waddanka isku soo Taago, taas oo sida dad badani qabaan uu si weyn maanka ugu Hayo amaba lagu riixayo.

Ma aha kuwan oo kaliya Siyaabaha ay dadku  ku Macneeyeen Safarkii xalay ee madaxweyne Siilaanyo Goobaha Madaxtooyada u dhaw ku soo Maray, balse waxa jira Aragtiyo Badan oo dadku ku sheegeen sababta ka dambaysay socodkiisa, Madaxweynaha ayaase uu qasdiga safarkiisu yahay mid isaga u qarsoon oo Gaar u ah.

 

 

S.D.N

Contact@qurbejoog.com

Comments are closed