|

Qiimaynta Dastuurka Kulmiye: Qaab-qoraalka qumman iyo qaab-dhaqmeedka qalloocan

boobeHadal-haynta Maalmahan: Tirsiga 9aad

Qiimaynta Dastuurka Kulmiye:

Qaab-qoraalka qumman iyo qaab-dhaqmeedka qalloocan.

 

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale- cankaabo@hotmail.com, www.dharaaro.com

12/4/2014ka, Hargeysa,

Qormada: 3aad

Waxaynu wadnay oo inoo socday ilaha Dhaqaalaha Xisbiga Kulmiye. Halkii aan ka sii wadno.

–       Wax-soo-saar kasta oo xisbiga ka yimaadda,

2. Qaddarka qaadhaan ee laga qaadayo xubnaha ku xusan faqradda 1 (B) waxa xaddidaya Guddida fulinta ee Xisbiga, waxaana wareegto ku soo saaraya xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga

3. Iyada oo la raacayo heerarka qaadhaan-bixineed eek u xusan faqradda (1B) ee Qodobkan, xubnaha ay ku kulmaan laba ama wax ka badan oo qaddarro-qaadhaan-bixineed ah, waxay bixinaysaa hadba heerka qaadhaameed ee ugu sarreeya,

4. Dhaqaalaha ama hantida ku soo xerootay sifooyinka ku xusan faqradda 1aad ee Qodobkan waa hanti xisbi mana noqon karaan hanta gaar ahaaneed,

Intaasina waa Xisbiga kulmiye iyo xeerarka uga yaal qaabka ay dhaqaalaha ku helaan oo si fiican oo maan-gal ah u qoran, bal se wax la iska weydiin karo xaqiiqada dhaqan-galka qodobbada iyo ku-shaqayntooda.

Falanqaynta Dastuurka Kulmiye iyo xaaladda oogan: 

Shirweynaha Xisbiga kulmiye:

Shirweynuhu, sida dhaqanka caalamiga ahi yahayba, waa hay’adda ugu sarreysa ee Xisbiyada/ururrada. Muxuu haddaba Dastuurka Kulmiye ka odhanayaa Shirweynahooda: 

Kala-guurka Shirweynayaasha ama Muddada:

Qodobka 16aad ee Dastuurka kulmiye oo ku xusan bogga 8aad, Faqraddiisa 2aad, wuxu odhanayaa:

Shirweynaha Xisbiga waxa la qabtaa shantii sannadoodba hal mar. Hase yeeshee, si looga duwo Shirweynaha Xisbiga sannadka doorashada Madaxtooyada, waxa Shirweynaha 3aad ee Xisbiga la qabanaya afar sannadood ka dib maalinta uu dhammaado Shirweynaha 2aad ee Xisbigu, 

Kaasi, waa nabar. Shirweynihihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye wuxu ku qabsoomay Ambaasador Hotel, bishii Maarj, 2008kii. Marka Qodobkan 16aad, Faqraddiisa 2aad la raaco, Shirweynaha Xisbiga Kulmiye ee 3aad waxay ahayd in uu qabsoomo bishii Maarj, 2012kii. Waxaynu wada og nahay in aanu qabsoomin. Habsaankaas waxaynu u haynaa qiil oo awoodaha Golaha Dhexe ee Kulmiye ayay ku jirtaa in uu muddo sannad ah dib u dhigi karo. Maxaynu arrintan daliil u haynaa. Bal aan dhex qaadno Dastuurka Xisbiga Kulmiye.

Qodobka 28aad ee Dastuurka Xisbiga Kulmiye oo Bogga 15aad ah, Faqraddiisa Q, ayaa u dhigan sidan hoos ku qoran:

q. Muddada Golaha Dhexe uu Shirweynaha Xisbiga dib u dhigi karaa kama badan karto hal sannad, 

Shirweynaha 3aad ee Xisbiga Kulmiye oo ku muddaysnaa Maarj, 2012kii marka Faqraddan Q la raaco, wuxu u riixmayaa Maarj, 2013kii. Markaana ma qabsoomin. Maanta waxaynu joognaa Abriil, 2014ka. Hal sano iyo bil ayuu dib u dhacsan yahay.

Su’aasha is-weydiinta mudani waxay tahay: maxaa lagu sababaynayaa dibudhacan? Miyaanay muddadii kala-guurka Shirweynayaashu dhammaan? Xisbiga Kulmiye sidee ayuu u sharxayaa? Guddidii Diiwaan-gelinta ee Xsibiyada ku ilaalin jirtay ku-dhaqanka xeerarkoodu meeday? Xaggee ka baxaday? Maxay ku sababaynaysaa diubudhaca intan le’eg? Waa su’aalo mudan in dadweynaha looga jawaabo.

Haddii kale oo aan waxba la is-weydiinayn, dee muxuu Xisbiga Kulmiye iyo kuwa kaleba uga baahan yihiin in ay Shirweyne qabsadaan.

Ergooyinka Shirweynaha:

Sida curfiga iyo dhaqanka caalamiga ahiba yihiin diyaarinta Shirweynaha Kulmiye waxa ka hawl-gelaya Guddi Qaban-qaabo sida uu qeexayo Qod: 16aad, faqraddiisa 3aad oo odhanaysa:

 

3. Shirweynaha waxa qaban-qaabinay Guddi Qaban-qaabo oo uu soo magacaabo Guddoonka Xisbiga, Guddida Fulinta ee Xisbiguna ansixiyo,

Waa ay adag tahay sida lagu fahmaa Guddoonka Xisbiga ee ay ka sarreyso Guddida Fulintu. Mararka qaarkood waxay ka hadlayaan Hoggaanka Xisbiga. Waa wax isku wada cayn iyo beyd go’an oo sida look ala gartaa adag tahay.

Faqradda 4aad ee isla Qodobkan 16aad, faqraddiisa 4aad ee bogga 9aad ayaa odhanaysa:

4. Tirada ergooyinka Shirweynaha Xisbiga waxa go’aaminaya Guddida Fulinta,

Faqradda 6aad ee isla Qodobkan 16aad, ayaa tilmaan cad ka bixinaysa tirade ergooyinka Shirweynaha oo odhanaysa:

6. Tirada ergooyinka Shirweynaha Xisbigu kama yara laban-laab tirade Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga,

Oo tirade Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee dastuuriga ahi waa immisa? Hadda kama hadlayno tirooyinkan jaantaa rogan ah ee hadba meel laga sheego, bal se waxaynu ka hadlayna tirade rasmiga ah ee uu Dastuurku jidaynayo. Bal aan eegno.

Waa Qod: 27aad, Faqradda 1aad ee ku xusan Bogga 14aad ee dastuurkii wax-ka-beddelka lagu sameeyay Maarj, 2008kii, Shirweynihii 2aad ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu u dhigan yahay sidan:

  1. Golaha Dhexe ee Xisbigu waa hay’adda hagaysa hawlaha Xisbiga inta u dhexeysa labada Shirweyne, waxaanu ka kooban yahay 170 (boqol iyo toddobaatan) xubnood oo aanay ku jirin xubnaha ku soo gala Golaha xilka ay hayaan dartii (ex-officio members).

(La soco haddii eebbe idmo………………………………….)

Comments are closed